Xisbiga Kulmiye oo Taageeray Go’aankii Komishanku Ku muddeeyey Doorashooyinka Ururada iyo Madaxtooyada

Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE, ahna wasiirka arrimaha gudaha, Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa soo dhaweeyey go’aankii ay dhawaan Guddida doorashooyinku ku cayimeen waqtiga ay u qorsheeyeen inay qabsoomaan doorashooyinka ururrada Siyaasadda iyo madaxtooyada.

Guddoomiye-ku-xigeenka oo goor dhaweyd shir sharaa’id ku qabtay xarunta guud ee xisbiga KULMIYE, ayaa bulshada la wadaagay sida ay xisbi ahaan u taageersan yihiin una soo dhaweynayaan go’aankii ay Toddabaadkan guddida doorashooyinka qaranku ku shaaciyeen waqtiyada ay dalka ka qabsoomayaan doorashooyinka ururrada iyo madaxtooyada iyo sida ay ay usoo kala horraynayaan.