Ex Wasiir Eng Xuseen Deyr Oo Shaaciyey Hankiisa Musharaxnimo ee Jagada Gudoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Xisbiga Kulmiye.

Hargeisa(GNN):-Eng Xuseen Aadan Cige Deyr Oo xilal kala duwan kasoo qabtay xukuumadihii kala danbeeyey soona noqday wasiirkii wasaarada Ganacsiga iyo maalgashiga somaliland xiliyo kala duwan ahaa ahaa Afhayeenkii Qasriga Madaxtooyada somaliland ee Xukuumadii madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa shaaciyey hankiisa musharxnimo ee jagada gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga talada dalka haya ee kulmiye oo 20ka bishan shirweynihiisu ka qabsoomi doono Xarunta Gobolka Togdheer ee Burco.