Barnaamijka Maal iyo Tacab

Sida laga Warqabo dalka Jamhuriyada Somaliland Dhalinyarada Dalku Waxay ka Cawdaan shaqo la’aan, hadaba si looga baxo Duruufahaas ha ka faaiidaystaan Barnaamij taxane noqon doona oo la yidhaa Maal iyo tacab. kaas oo bulshada u iftiimin doonaa sidii ay isu filaansho dhaqaale u gaadhi lahaayeen noloshoodana u marayn lahaayeen.

Barnaamika waxaa ibafur u noqon doona sadex mawduuc oo kala ah

  1. Ka faaiidaysiga wax soo saarka beeraha dalka oo cilmi ku dhisan.
  2. Fahamka iyo jihaynta bulshada ee ka faaiidaysiga khayrasdka ku duugan bada somaliland gaar ahaan kaluunka
  3. Macdanta ku duugan somaliland iyo sidii bulshadu uga faaiidaysan lahayd waa qodobka ugu danbeeya oo bulshadu dhiisha fakhriga ku tuuri lahaayeen

Hindisaha Barnaamijka Maal iyo Tacab Waxaa Hirgalinaya Muwaadin Ugaas Haybe Muuse Maax oo Ku xeeldheer Horumarinta arimaha Bulshada Waxaanu Dhawaan warbaahinta qaybaheeda kala duwan la wadaagi doonaa barnaamijkan oo maqal iyo muuqaal ah isagoo isu xilqaamay sidii bulshada danyarta ah ugu samayn lahaa shaqo abuur ay ku maareeyaan Noloshooda iyo ta qoysaskooda wixii talo iyo aragti ah la wadaag ugaas haybe muuse maax hindisaha barnaamijka Maal iyo Tacab.

Whatsapka 00252634166061