Maareeyaha Dekedaha Somaliland Oo Dekeda Caalamiga ah Berbera Kusoo Dhaweeyey Waftiyo Kala Duwan Oo Ka Socoda Caalamka.

Berbera(GNN):-Maareeyaha Dekedaha Somaliland Mudane Siciid Xassan C,laahi Ayaa Maanta Si Diiran uGu Soo dhaweeyey Dekeda Caalamiga ah magaalada berbera Wafti kala duwan oo ka socoda Dalka Kenya oo ah Xildhibaano Ka tirsan baarlamaanka dalkaaasi, Iyo sidoo kale Saxafiyiin Caalamiya oo ka socoda warbaahinta al Carabiya.
Maareeyaha guud ee Dekedaha Somaliland Mudane Siciid Xassan C,laahi Ayaa Si Faahfaahsan ugaga Warbixiyey Waftiyadan Horumarka Balaadhan ee Ka Socoda Dekeda Caalamiga ah ee Berbera Iyo Shaqada ay u hayso Bulshada Geeska Africa.

Waxaana Maareeye Siciid uu Kormeer kala duwan kusoo mariyey Qaybaha kala duwan ee dekeda Iyo Qaabka Casriga ah ee ay u shaqayso dekedu.

Imaatinka Waftiyadan isdabajooga ah ee Soo gaadhaya magaalada ayaa Ka Danbeeeyey Kadib Markii sanadihii uGu danbeeyey ay horumar baaxad leh u talaabsatay Dekeda Caalamiga ee Berbera Taas oo keentay inay kamid noqoto Dekedaha Caalamiga ah ee dunida kuwooda uGu heerka sareeya islamarkaana lagu xusay warbaahinta caaalamka ee ka faalooday arrimaha ganacsiga Iyo siyaasada geeska Africa.