Xubno uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Arrimaha Dibeda Ururka Qareenada Somaliland Solla Oo Ay Qayb Galay Shirkada Ururka Qareenada Africa oo Sannadkii 14aad La Qabtay.

Xubno uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Arrimaha Dibeda Ururka Qareenada Somaliland Solla Oo Ay Qayb Galay Shirkada Ururka Qareenada Africa oo Sannadkii 14aad La Qabtay.

( The Pan African Lawyers Union’s 14th Annual Conference is in full swing in Addis Ababa!)

 

Addisababa- Waxaa Magaalada Addisababa Caasimada Dalka Ethiopia Si Rasmiya uga Furmay Shir Balaadhan oo ay isugu Yimaadaan Qareenada Ka Socoda Guud Ahaan Dalalka Africa ee ka diwaan gashan ururka The Pan African Lawyers Union

Gudoomiyaha Arrimaha Dibeda Ururka Qareenada Somaliland Garyaqaan Daahir Maxamed Ciyaale oo hogaaminaya Xubno Qareeno oo ka tirsan ururka qareenada Somaliland ayaa ka qayb galay shirka balaadhan oo sanad kasta lagu qabto dalalka Africa kaas oo sanadkan ka dhacay caasimada Dalka Ethiopia ee addisababa, waxaana shirkan oo sannadle ah kazoo qayb galay Qareeno kala duwan oo ka socoda dalal Africa kuwaas oo ay marti galisay sanadkan caasimada dalka Ethiopia

Arrimaha shirkan lagaga hadlayo ayaa waxaa ugu muhiimsan garsoorka iyo cadaalada sidii cadaalad buuxda loogu heli lahaa bulshada Africa islamarkaana kor loogu qaadi lahaa xirfada qareenada Africa oo ku midoobay ururkan PALU.

Qareenadan Ka Socoday Ururka Qareenada Somaliland ee Solla ee uu hogaaminayo Gudoomiyaha Xidhidhka arrimaha dibeda ururka qareenada Somaliland solla Garyaqaan Daahir Maxame Ciyaale ayaa dhamaantood ku labisnaa Jeeniqaarka astaanta Qaranka Somaliland oo aha Calanka taas oo ka turjumaysa inay qadiyada Jiritaanka Umada Jamhuuriyada Somaliland oo ay muujiyeen in ay yihiin Umad Ka dhisan dhinac walba islamarkaana ay ka qareeno ahaan la jaanqaadayaan kuwa caalamka iyo ururkan qareenada Africa oo ay ka tirsan yihiin kana heleen Casuumadan rasmiga ah ee ka qaybgalka shirkan balaadhan.

Muhiima Shirkan ayaa lagaga hadli doonaa maalmaha soosocoda Nabada horumarka cadalaada wada noolaanshaha iyo ilaalinta sharafta iyo cirdiga bulshada aadamaha Africa.

Maaha markii ugu horeysay ururka qareenada Somaliland oo ka qayb galo shirarka noocan oo kale ah isagoo Garyqaan Daahir Maxamed ciyaale Gudoomiyaha Xidhiidhka arrimaha dibeda ururka qareenada Somaliland hore uga qayb galay shirar kala duwan oo ka dhacay dalalka caalamka.

Halkan Hoose Ka Akhriso Linkinga Warkan.

https://www.facebook.com/share/p/m5oZcj4qUMPyTM8i/

 

 

.