Wasiirka wasaaradda macdanta iyo tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale ayaa soo saaray wareegto uu ku joojinayo mashaariicda shirkadaha laydhka Somaliland ay ku fidinayaan isla markaana ku balaadhinayaan laydhadhkooda.
Dhinaca agaasimaha guud ee wasaarada macdanta iyo tamarta Somaliland ayaa isna qoraal u kala direy shirkadaha ku lugta leh arrimaha tamarta waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sida tan
“Waxa lagu wargelinayaa dhamaan bahweynta ku lug leh hawlaha tamarta in laga bilaabo taariikhda ay soo baxdo wareegtadani ay dhamaan qolyaha ku shaqada leh arrimaha tamarta iyo korontada ay kamid yihiin shirkaddaha laydhka soo saara kuwa iibiya ama qaybiya kuwa rakiba iyo ururada aan dawliga ahayn inay usoo gudbiyaan wasaaradda,dhisaynkooda iyo technical standards ka ay isticmaalayaan mar ay rabaan inay hirgaliyaan shaqo/mashruuc csuub, si loo hubiyo inuu waafaqsan yahay Standards ka caalamiga ah. Si loo xaqijiyo badqabka iyo habsamida maalgashiga mashruuca isla markaana looga hortago khasaaraha naf iyo maalba leh”.
Amaradan wasaaradda macdanta iyo tamarta kasoo baxay ayaa ka danbeeyey khilaaf xoogan oo shirkadaha korontada ku dhex maraya mashaariicda ay ku balaadhiyaan adeegooda,taaso sababtay inuu tartankoodu gaadhay inay gacanta iskula tagaan shaqaalahoodu.