Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo maalmahii ugu dambeeyey socdaal shaqo ku joogay dalka Itoobiya isla mar ahaantaana halkaas kaga qeyb-galay xuska maalinta 11aad ee Qoomiyadaha dalkaasi, ayaa shalay martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dawladda dalka Kenya ugu ambabaxay magaalada Neyroobi ee xarunta dalkaasi.
Geesta kale, wararku waxa ay sheegayaan in sida oo kale Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga WADDANI uu halkaas iyaga na kulamo gaar ah kula soo yeelan doono deeq bixiyeyaasha Somaliland ka taageera arrimaha Doorashooyinka, diblomaasiyiinta reer Galbeedka u fadhiya halkaasi iyo weli ba sida oo kale ganacsato iyo qeybo ka mid ah jaaliyadda Somaliland ee halkaas ku dhaqan.