Wasiirka arrimaha gudaha somaliland mudane Yaasiin Maxamuud Xiir “Faratoon” ayaa ka hadlay dad lagu tuhunsan yahay falal amni daro oo ciidamada gaarka u tababaran ee RRU-du hawl galo ay sameeyeen ka kala qabteen magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera.
“Bulshada waxaan ku baraarujinayaa inay sidaas ugu soo jeedaan oo ciidamada nabad galiyada la shaqeeyaan oo ay wargaliyaan mar walba oo taxadir dheeraad ah u yeeshaan oo ay ogaadaan in lasoo dhex galayo oo la khal-khalinayo oo ay jiraan dad ka shaqaynaya inay nabad galiyadeena khalkhaliyaan inay mar walba dadkaas la socdaan oo ay feejignaadaan ayaa loo baahan yahay”sidaas ayuu hadalkiisa kusoo koobay wasiirka arrimaha gudaha somaliland Yaasiin Faratoon.