Mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa saaka kalfadhi ay iskugu yimaadeen waxay kaga doodeen ansixinta miisaaniyad sanadeedka 2017-ka oo dhawaan loosoo gudbiyay golaha.
Intaasi kadib Waxa la guda galay codaynta miisaanad sanadeedka 2017-ka ee losoo gudbiyey golaha,waxaana in la ansixiyo gacanta u taagay 43 xildhibaan,halka 17 xildhibaan ay diideen in la ansixiyo, 6 xildhibaana way ka aamuseen gudoomiyuhuna muu codayn.