Wararka naga soo gaadhaya magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer soona gaadhaya xafiiska shabakada wararka Ramaasnews ayaa sheegaya in shil baabuur oo aad u naxdin badan uu goordhawayd ka dhacay duleedka magaalada Burco.
Shilkan baabuur ayaa ka dhacay goor dhawayd duleedka magaalada Burco gaar ahaana tuulada Kalasharka oo dhinaca galbeed qiyaas ahaan magaalada Burco u jirta dhawr iyo labaatan kiloomitir una dhaw degmada Qoyta.
Maydkan gudoomiyaha waxbarashada gobolka Sanaag Marxuun Aniis Saalax Xasan iyo dhaawaca labadan qof ee dumarka ah ayaa lasoo gaadhsiiyey cusbitaalka wayn magaalada Burco.
Taliyaha ciidamada Taraafikada gobolka Togdheer Gaashaanle Cabdilaahi Soofadhiiste iyo taliye qaybeedka gobolka Togdheer Cabdi Muuse Cabdilaahi oo ay shabakada Ramaasnews khadka telefoonka kula xidhiidhay si aan wax uga waydiino shilkan baabuur ee dhacay ayaa ka gaabsaday inay faah-faahin ka baxiyaan shilkaasi baabuur ee khasaaraha sababay.