Sawirka Ku ladhan Qoraalkan Ee IdiinMuuqdaa waxaa uu iftiiminayaa qaangaadhnimo, is-ahaanshiyo, qarannimo, dimuqraadiyad, lexe jeclo iyo korniin siyaasadeed.
Sawir Muujinaya Qaan-gaadhnimada Siyaasadeed Ee Ay Muujiyeen Murashaxiinta Xisbiyada Kulmiye Iyo Waddani |
Somaliland in ay Afrika ugu horrayso dhanka xadaaradda siyaasiga ah iyo dhanka xorriyadda dawladnimada ayuu sawirkani tilmaamayaa. In kala duwanaanshiyaha fekerka siyaasiga ahi caafimaad yahay ayuu si cad u barraxayaa.
Sidoo kale in aan siyaasadda nadiifta ahi aaney colaad iyo turxaan midna lahayn ayuu daaha ka faydayaa.
Somaliland ha noolaato, dadkeeduna ha barwaaqoobeen abbid.