Codayn kadib ayaa waxa xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle u codeeyey 38 mudane oo xildhibaanada ah halka Baashe Maxamed Faaraxna ay u codeeyey 39 xildhibaan,waxaana sidaasi cod hal dheeri ah ku noqday gudoomiyaha guud ee golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax,isaga oo hal cod lagaga guulaystay Cabdiraxmaan talyane.
Labadan murrashax ee u tartamayay jagada gudoomiyaha Wakiilada Somaliland ayaa hadda si niyad sami ah iskugu hambalyeeyey,waxaana ay isku gacan qaadeen golaha dhaxdiisa.
Shirgudoonka golaha wakiilada Somaliland ayaa waxay shaaca ka qaadeen in 7 cisho kadib isna la dooran doono booskii uu baneeyey Baashe Maxamed Faarax ee ahaa gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha wakiilada Somaliland.