Iyada oo ay muddo aad u kooban ka hadhsan tahay doorashada madaxtooyada Somaliland isla markaana ay dhacayso 13 bishan aynu ku guda jirno ayaa Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan jiidaha hore ee gobolka Sool ay galeen heegan culus oo ay ku adkaynayaan amaanka iyo xuduudaha Somaliland.
Wararka nasoo gaadhaya jiida hore ayaa waxay sheegayaan in maamulka Puntland ay ciidan ay soo abaabuleen ay usoo direen deegaano hoos yimaada gobolada Cayn iyo Sool.