Hargeisa(GNN):-Maamulaha Kastamka Magaalada Tog Wajaale ee wasaarada maaliyada OO Dhawaan xilka loo soo magacaabay ayaa durba xabsiga u taxaabay qaar ka mid ah Saraakiisha iyo shaqaalaha wasaarada Maaliyad ee ka hawl gala kastamka Magaalo Ganacsiyeedka Tog- Wajaale.
Maamulaha Cusub ee kastamka Wajaale Mudane Cabdilaahi Xasan Cige oo shalay la wareegay xilka ayaa wuxu abaaro galinkii danbe ee maanta xabsiga u taxaabay laba ka mida shaqaalaha kastamka halka qaar kalana uu maagan yahay in uu saacadaha soo socda xabsiga u taxaabo.
Maamule Cabdilaahi oo mudadii uu xilka la wareegay ay ka soo wareegtay 24saacadood oo kaliya ayaan la garanayn sobobta keentay durba in uu xidh xidho shaqaalaha wasaarada maaliyada u jooga kastamka Wajaale.
Xadhiga Saraakiishan iyo shaqaalaha kastamka Wajaale oo aanu maamulaha wax ka waydiinay Xadhigooda ayuu Noo Xaqiijiyay in ay jirto islamarkaana kiiskooda ay ku socoto baadhis.
Isagoo ka hadlaya wuxu yidhi; “shaqaalaha xidhan kiiskooga waa la baadhayaa waananu idin la socodsiindoonaa waxa ay ku xidhan yihiin”, Ayuu hadalkiisa kusoo Koobay Maamule Cabdilaahi oo Saxafiyiin Kala Hadlay Khadka Telefoonka Ayaa Ku Tiraabay Sidaa.
Masuulkan xilka maamulaha Kastamka Wajaale Dhawaan loo magacaabay ayaa hore uga tirsanaa Shaqaalaha kastamka Wajaale ka hawgala.
Talaabadan uu durba ku kacay Maamulaha Cusub ayaa magaalada Tog wajaale hadalhayteedu noqotay mid bulshada ku abuurtay dareenno kala duwan oo laga cabsi qabo in ay abuurto kacdoono lagaga soo horjeedo Maamulka cusub.
Dhawaan ayay ahayd markii wasiirka wasaarada maaliyada Uu ku sameeyay isku isku shaandhayn maamulayaasha kastamada ah iyo qaar ka mida agaasimo waxeedyada wasaarada taasi oo abuurtay dareeno kala duwan isamarkaana Umuuqatay mid deg deg iyo aqoon la’aan maamul ay ka muuqato,
Waxaana Talaabooyinkan Is Xigxigaa Noqonayaan Kuwo Lagu Bartilmaameed Sanayo Shaqsiyaad Gaara Oo hore ugu Sii Calaamadsanaa Masuuliyiinta Xilka La Wareegtay Iyadoo Ilaa Hadda Aaney Jirin Masuul Qudha Oo Loo Xidhay Ama Loo bedelay Arrimo Musuq Maasuq iyo Wax u Dhow Toona…..La Soco Wixii Warar ah Ee Kasoo Kordha.
Hargeisa Somaliland
Gabiley News Network