[Deg Deg ]:- Madaxweyne Siilanyo Oo Hada Magacaabis Sameeyey Iyo Cida La Magacaabey

Hargeisa(GNN):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed

Silaanyo, waxa uu maanta digreeto madaxweyne oo summadiisu tahay JSL/M/XERM/249-4495/012017 ku magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex.

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay: Qodobka 110aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda ay Guddoomiyayaasha Gobolladu u leeyihiin Dhismaha Qaranka;

Markuu Aqoonsaday: In baahi loo qabo buuxinta jagada Guddoomiyaha Gobolka Maroodijeex ee Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday: Kartidiisa, aqoontiisa iyo hufnaantiisa shaqo;

Markuu Ku Qancay: In uu hanan karo xilkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

 

In Mudane, Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Image may contain: 1 person, beard

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL