Maleeshiyaad Rasaaseeyey Xubin Kamid Ahayd Kuwii Wada Hadalka Kooxda Khaatumo Uga Qayb Galay Dalka Jabuuti iyo Amaanka Cali Khaliif Galaydh Oo Ay La Wareegeen Ciidamada Qaranka Somaliland 

Kayse Cabdi Yuusuf ayaa markii rasaasta ay ciidamadan ku fureen waxa uu ku sugnaa deegaanka Widh-widh oo ka tirsan gobolka Sool,waxaana sababta ay u rasaaseeyeen ay tahay sida la sheegay in ciidamadan loo sheegay in madaxda kooxda Khaatumo ay dalka Jabuuti kasoo qaadeen lacag Mushahar ah oo dawlada Somaliland ugu talo gashay ciidamada Prof Cali Khaaliif Galaydh taabacsan  isla markaana usoo dhiibtay xubnihii Khaatumo u matalayey wada hadaladii dalka Jabuuti ugu soo dhamaaday dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo kaas oo uu  kamid ahaa Kayse Cabdi Yuusuf oo kooxdaasi ugu magacaaban Wasiirka Amniga Khaatumo.

Lama sheegin khasaaraha ka dhashay rasaastaasi ay ciidankaa Maleeshiyaadka ah kusoo fureen Kayse Cabdi Yuusuf oo hore u ahaa wasiiru dawlaha Nabadaynta gobolada Bariga Somaliland balse hadda kooxdaasi ugu magacaaban wasiirka Amniga.

Sidoo kalena wararka ayaa waxay intaa ku darayaan in ciidamada qaranka Somaliland ee ku sugan jiidda hore ee gobolka Sool ay la wareegeen amaanka Prof Cali Khaliif Galaydh,kaas oo looga cabsi qabay in ay maleeshiiyaadkaasi weerar qorshaysan kusoo qaadaan.

Gabagabadiina tan iyo markii wada hadalku dalka Jabuuti ugu soo dhamaaday dawlada Somaliland iyo Kooxda Khaatumo ayaa waxa deegaanada gobolka Buuhoodle laga dareemayaa faro galin qaawan oo maamulka Puntland ay ku hayaan deegaanada gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn isla markaaana ay ku damacsan yihiin in ay ku wiiqaan amniga Somaliland.