Somaliland Iyo DP World Oo Maanta La Kala Wareegaya Dekedda Berbera Iyo Raxan Wasiirra ah Berbera Gaadhay

Waxa maanta oo ay bisha Fabruary tahay 15-ka ku eg ballantii ay xukuumaddu u qabatay inay shirkadda weyn ee DPWorld ku wareejiso dekedda Berbera, waxana la qorsheeyey munaasibad ballaadhan oo hawshaas lagu soo af jarayo Sida ay sheegayaan wararka soo gaadhaya Shabakada Burcoonline, waxa saaka jarmaado Hargeysa kaga baxaya wafti ballaadhan oo ay xubno ka yihiin wasiirrada wasaaradaha madaxtooyada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi, Maaaliyadda marwo Samsam Cabdi Aadan iyo safiirka Somaliland u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta Md. Baashe Cawil iyo weliba xubno kale, kuwaas oo xaadir ka noqon doona wareejinta dekedda Berbera.

Sidoo kale waxa lagu wadaa inay madasha yimaadaan wafti sare oo ka socda shirkadda DPWorld, waxana xafladdaasi gebo bego u noqon doontaa heshiiskii ay xukuumaddu la gashay shirkadda DPWorld oo aan weli dhammaanin.

Waftiga xukuumadda, ayaa sidoo kale lagu wadaa inay lasoo wareegaan qaddar lacag ah oo baaqi ka ahaa xaqul-qalinkii lagula heshiiyey shirkadda DPWorld, kaas oo lagu dabbari doono hawlo qaranku leeyahay oo muhiim ah.

Hadallo kooban ayaa lagu wadaa in halkaas laga jeedin doono, waxana munaasibadda qayb ka noqon doona madaxda gobolka Saaxil, waxana lagu wadaa in halkaas heshiiska lagu soo gunaanadi doono isla-markaana shaqadii imaaraadka ee horumarinta dekedda iyo dhismaha huteelladii casriga ahaa bilaabmi doonto.