Daawo:Wafti Culus oo Uu Hogaaminayo Madaxwayne Xigeenka Somaliland Oo Saaka U Anbabaxay Dalka Imaraadka

waftigan ayaa waxay u tagayaan dalka imaraadka sida wararka aanu ku helayno xaal xaal iyo dhamaystir haeshiis hore ay u wada galeen Somaliland iyo imaraadka waxaa sidoo kale la filayaa in ay ka qayb galaan shir maalgashi oo la filayo in uu ka qabsoomo dalka imaraadka carabta

 

 

wararka kale ee ay caynabanews helayso ayaa waxay sheegayaan in waftigani ay u tagayaan dalka imaraadka in ay soo gabagabeyaan heshiiskii xukumda Somaliland iyo imaraadka ee ku saabsanaa saldhiga milatari ee magalada berbera laga siyay dalkaa
walaw arintan madaarku ee dalka imaraadka laga kireyay aya si way dagaal ugala jiraan dalalka jabuti iyo somaliya sidii ay u curyaamin lahayeen balse dawlada imaraadku waxay u muuqataa mid aan dhag jalaq usiinayn labadaa dal hawlaha ay faraha kula jiraan xukumada somaliya oo aanu qaar ka mid ah golahoda wasiirada ayaa noo xaqiijiyay in saldhigaa milatari uu somaliya ka dhigi doono laba dal oo kala madax banana maadaama oo xukumada somaliya aanay wax awood ah u lahayn in ay ka hadasho maadaama oo aanay waxba kala socon bixintiisa iyo heshiiskiisa
Safarka madaxwayne ku xigeekan somaliland waxaa ku waheliya
Wasiirka wasarada arimaha dabada Sacad Cali Shire
Wasiirka wasarada duulisata farxaan haybe
Wasiirka wasarada hawlaha guud cali marexaan
Wasiir ku xigeenka madaxtoyada axmed xaashi
Wasiirka wasarada Gaashandhiga Cadami
Wasiirka Labada Gole Xaamud