Xidhiidhkii Maamulka Somaliya Iyo Imaaradka Oo Halkii Ugu Xumaa Gaadhey Iyo Imaaradka Oo Safiirkii Moqdisho Ka Fadhiyey 24 Sacadood Gudahood Ugu Yeedhay

Wararka aanu ka helayno magaalada Moqdisho ee xarunta Maamulka Somaliya waxa ay sheegayaan in Dowlada Imaaraadka Carabta ay u yeedhtay Safiirkeeda ka howlgala Somalia, gaar ahaan Xarunta magaalada Muqdisho.

Wararkan oo aan wali si rasmi ah loo cadey aya sidii  kale  intaasi ku daraya in dowlada Imaaraadka ay 24saac gudaheeda ugu baaqday in Safiir Maxamed Axmed Cusmaan Al-xamadi uu kusoo gaadho magaalada Abu Dabai ee xarunta dalka Imaaraadka.

Maxamed Axmed Cusmaan Al-xamadi, ayaa ka howlgalaayay magaalada Muqdisho dhowr sano laga soo bilaabo xiligii uu dalka ka ariminaayay Shariif Sheekh Axmed

U yeedhida Safiirka cusub ee Dowlada Imaaraadka u fadhiya Somalia, ayaa la sheegay inay la xidhiidhto Khilaafka diplomaasiyadeed ee u dhexeeya Somalia iyo Imaaraadka kaa oo dhawaan ka dhashay Saldhigga Milliteri oo ay Imaaraadka ka dhisanayaan Magaaladda Berbera.