Qaramada Midoobey Oo Soo Saartay Tirada Dadka Sanadkan Lagu Dilay Soomaaliya

Hargeisa(GNN):-Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ayaa soo bandhigay warbixin ku saabsan tirada dadka lagu dilay Soomaaliya laga soo bilaabo 2016 illaa 2017.

Warbixinta ayaa sheegtay in Soomaaliya waxyeelo loogu gaystay 4,585 qof oo isugu jira dil iyo dhaawac, laga soo bilaabo January 2016 ilaa 14-ka Oktoobar 2017.

Tirada dhimashada ayaa lagu sheegay 2,078. Halka dhaawacu na yahay 2,507 qof.

Sidoo kale warbixinta ayaa lagu yidhi waxyeelada loo geysto dadka ku nool magaalada Muqdisho ayaa gaadhay labo jibaar 100%.

Halkan Ka Akhri