Tirada Wasaaradaha La Filayo Inay Khadka Ka Baxaan Qorshaha Xukuumada Cusub, Halka Qaarkoodna Laysku Dhafayo.

Hargeisa(GNN):-Iyadoo Dhawaan Lagu Waddo Bisha Dec- 13keeda inuu Xilka La Wareegayo Madaxweynaha cusub ee La Doortay horaantii bishii hore ee nove-13keedii mudane Muuse Biixi Cabdi oo Lagu Waddo Inuu Soo Dhiso Xukuumad Aad u Tiro Kooban Tayo Badana Leh Ayaa Haddana Waxa Jira Ilo Xogogaal Ah oo Shabakada Gabiley News Network Tibaaxo kooban Kasiiyey Tirada Wasaarado Badan oo Qaarkood hore u jireen qaarna ay la Kowsadeen Xukuumada Madaxweynaha Xilka Kasii Dagaya Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, In lagu waddo in Xukuumada Uu Soo Dhisayo madaxweyne Muuse Biixi Cabdi Ay Khadka Ka Saari Doono Wasaarado Tiro badan Halka Qaar kamida wasaaradahaasi lagu dari Doono islamarkaana layskagaga dhigayo hal wasaarad oo Qaranka u Qaabilsan Shaqooyin kala Duwan.
Waxaa Nidaamkani Daba Socodaa Barnaaamij Siyaasadeedkii uu Xisbiga Muxaafidka Ah ee Kulmiye Ku Galay Ololaha Doorashada uu Ku Guuleystay Oo Wali Kasii Dhex guuxaysa Maskaxda iyo Maanka Shacabka Reer Somaliland ee Codkooda Ku Siiyey Himilooyinkii iyo qorsheyaashii Horumarineed ee Uu hogaanka Xisbiga Kulmiye Shacabka La Wadaagay Si Ay ugu Doortaan Hogaaminta Dalka Shanta Sano Ee Soosocota.
Iswaydiinta Bulshada iyo Dadka Inta badan Falanqeeya Arrimaha Siyaasada Islamarkaana Odorosaya Qorsha Xukuumada Cusub ee Madaxweynaha La Doortay uu Soo Dhisidoono ayaa Arragtiyo kala Duwan ka Bixiyey Bal Sida laysku Waafajinayo Hanaankan Ay kusoo Shaqaynaysay Xukuumadan Hadda talada kasii daysa iyo tan cusub ee xilka la wareegaysa.
Hadaba Waxaa Shabakada Gabiley News Oo Ku Foogan Tabinta Wararka Cusub iyo Sidii Bulshada uu Ula Wadaagi lahaa Dhacdooyinka Cusub ee Haddba Kusoo Kordha Dalka iyo Dibadiisa Ayaa Isku Dayey Inuu Helo Xogo ku Saabsan Qorshaha la filayo in Xukuumada Cusub Wax Kagaga Badasho hanaanka Geedi Socodka horumarka Qaranka Somaliland oo Bulshada Reer Somaliland U Dheg taagayso Balanqaadkii Ahaa Barri Maanta Ka Fiican Oo Ahaa Halku Dhigii Xisbiga Kulmiye ee Ku Guuleystay Hogaaminta Talada Qaranka Somalilland Shanta Sano ee Soosocota haddii Eebe Qaddaro, Waxaana Xogo kooban oo aanu ka Helay Ilo ka Agdhow Hogaanka Xisbiga Kulmiye Tibaaxeen in Dhismaha Xukuumada Cusub ee Madaxweynaha la Doortay Ay kow Ka Tahay Sidii loosoo Koobi Lahaa Wasaaradaha kala duwan ee Qaranka Somaliland Sidaa darteedana la Waddo in Meesha laga Saaro wasaarado kala duwan oo la hoos geyn doono Wasaarado kale Waxaana Wararkani Intaas Ku dareen in Qorshaha Madaxweynaha Cusub oo ka Duulaya Balanqaadkii Xisbiga ee Ahaa Inay Soo Dhisayaan Xukuumad Tiro Yar oo Tayo badan Ay lagama Maarmaan Tahay in Meesha Laga Saaro Kharashaad iyo Dakhli Tiro badan oo ku bixi jiray Wasaarado Shaqada ay Qaranka u Hayaan Aad U kooban Tahay.
Waxaa La Rajaynayaa In Wasaaradahan Kala Duwan ee Hoos Ku Qaran layskagaga Dhigi Doono Hal Wasaarad oo Wada Qabata Shaqadii Ay Hore U Qaban Jireen Labadaasi Wasaaradood.
Wasaaradaha La Midayn Doono Ayaa Waxay kala Yihiin Sidan.
1-Wasaarada Beeraha +Wasaarada Deegaaanka Oo Laysku Daray Ayaa Noqonaysa Hal Wasaarad oo Wadda Qabata Shaqaddii labadaasi Wasaaradood Hore u Qaban jireen.
2-Wasaarada Ciyaaraha + Wasaarada Dhaqanka iyo Dalxiiska Labadaasi Wasaaradood Ayaa Iyaguna Noqon Doona hal Wasaarad oo Qaranka U Qaabilsan Shaqooyinkaasi.
3-Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga +Wasaarada Warshadaha Labadaa Wasaaradood Ayaa Iyaguna lagu Waddaa In Laysku dhafo iskuna Noqdaan Hal Wasaarad oo Qaranka u xilsaaran Shaqooyinkaasi.
4-Wasaarada Dib u Dajinta + Wasaarada Shaqada iyo Arrimaha bulshada Labadaa Wasaaradood oo markii hore ahaa laba haayadood ayaa Iyagana Lagu rajo Wayn yahay in La Mideeyo Shaqada Ay qaranka u Qabtaan Islamarkaana Yeeshaan Hal wasiir oo Shaqadaa u Xilsaaran.

Madaxwehhne
Sidoo kale Waxaa Iyaguna Aan meesha ka maqnayeny Oo lagu waddaa In Hay’ado Kala Duwan oo Markii hore Si madax Banaan u Shaqayn Jiray La hoos Keeno Wasaarado kala Duwan Kuswaas oo Lineminster Looga Dhigayo Wasaarad Kasta Lana Hoos keenayo Hay’ada ugu Dhow ee Shaqo Ahaa Ku Taxaluqda.
Si Kastaba ha ahaatee Xukuumada Cusub ee uu Soo Dhisayo Madaxweynaha Shacabka Somaliland Doortay Mudane Muuse Biixi Cabdi Ayaa Loo dhegtaagayaa Isbedel ka Hanaqaada Dhinacyada Kala Duwan ee Horumarka iyo Arrimaha Bulshada Taas oo laga Duulayo Qorshihii iyo Tiirarkii Horumarineed ee Barnaamijka Xisbiga.
Dhismaha Xukuumada Cusub ayaa La Filayaa inay Qorshe Cusub iyo Siyaasad Cusub Ku Qaabisho Horumarinta Xidhiidhada Kala duwan ee Qaranka Haddii ay yihiin Siyaasada Arrimaha Dibeda, Dhinaca Amaanka ee Wadamada Dariska iyo Wadashaqaynta Xidhiidhada Beesha Caalamka.
Sidoo Waxaa Iyana la Raynayaa in Xukuumada Cusub Talaabooyinka ugu horeeya ee ay Qaadayso Ay Kamid Noqdaan Xaaladaha kala Duwan ee Ku gadaaman Shacabka Somaliland Oo ay ugu horeyso Dhinaca Sarif iyo Sixir bararka Sanadkii ugu danbeeyey Aan Sal Dhigin ee baaxa dega ku Sameeyey Dhaqaalaha Somaliland.

Hargeisa Office
Contactgabileynews@gmail.com
Gabiley News Network