Wadahadalo U Bilaamay Soomaaliya Iyo Imaaraadka Carab, Yaa Dhex-dhexaadinaya Wada-hadalladaasi??

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay inuu jiro wada hadal toos ah oo ka dhex bilowday Somaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Wasiirka oo soo hadal qaaday qodobadii ugu muhiimsanaa khudbadii madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyay shirka Jaamacada Carabta ayaa sheegay in madaxweynuhu sharaxaad ka bixiyay hormarada kala duwan oo ay ku talaabsatay Soomaaliya.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa beeniyay ay jirtay dacwad ka dhan ah Soomaaliya oo Imaaraadku u gudbiyeen Jaamacada Carabta gaar ahaan dowladda Sacuudiga oo shirka marti-galisay.

Mar uu ka jawaabay su’aal aheyd madaama uu xumaaday xidhiidhka labada dowladdood Soomaaliya iyo Imaaaraadka in ay jiraan dowladdo isku dayaya in ay arintan dhaxdhaxaadin ka galaan, ayuu sheegay in ay bilaawdeen wadahadalo toos ah oo u dhaxeeya labada dowladood laakiin aysan jirin cid dhaxdhaxaadineysa.

‘’Xiligan wax dhaxdhaxaadin ah oo socta ma jirto, laakiin waxaa socda wadahadalo toos ah oo u bilaawday labada dowladood oo u dhaxeeya madaxda sare ee dowladda Soomaaliya iyo Imaaaraadka’’ ayuu yidhi Wasiir Cawad.

Wada hadallada ayuu sheegay in hadda meel wanaagsan marayaan inkastoo sida uu hadalka u dhigay aysan jirin kulamo loo balamay oo waqti leysla qorsheeyay dhacaya.