Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI oo ka qayb galay Shir Caalamiya oo ka dhacay Caasimadda dalka Jarmalka ee BERLIN + SAWIRO

Gudomiyaha Xisbiga mucaaridka ee WADDANI, Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa kaga qayb galaya shir caalami ah caasimadda dalka Jarmalka ee Berlin. Shirkan oo soconaya saddex (3) maalmood , 14-16 June 2018, waxa Gudoomiyaha soo casuumay baarlamaanka dalka Jarmalka, safarkan oo uu ku soo gunnaanadayo safarkii dheeraa ee uu ku marayey dalal ka mid ah qaaradda Europe. Shirku wuxuu soo xidhmay sabtida 16.6.2018.

EE407FB2-01BF-4FC7-867E-89CADE754C04
Gudoomiyaha waxa safarka ku weheliya Marwo Faadumo Siciid Ibrahim, Xoghayaha Xisbiga WADDANI ee xuquuqal Insaanka iyo Arrimaha Geneder ka.
Shirkan oo si gaara diiradda loogu saaray qaarada Afrika Agendaha lagaga hadlay wax ka mid ahaa amaanka iyo nabad gelyada ( peace and Security) , wax beerista, la dagaalanka gaajada iyo macaluusha ( food security) iyada qaarada Africa leedahay 65% dhulka dihin ee beeraha ku wanaagsan ee dunida ku yaal , ka bixista horumar la,aanta iyo maamul wanaagga ( good Governance) iyo la dagaalanka musuq-maasuqa, shaqo abuurka dhallinyarada, xuquuqal insaanka iyo xuquuqda haweenka, dhaqanka iyo dulqaadka ( culture and tolrence)F2FB9BE0-4CCD-49D3-A4D4-A092DF539405
Shirkan caalamiga ah wax ka soo qayb galay lixdan (60) dal Xubnaha ka soo qayb galay shirkan wax ka mid ahaa madaxweyneyaal, Gudoomiyeyaal baarlamaan, mudanyaal baarlamaan oo ka tirsanaa dalka Jarmalka iyo dalalka la martiqaaday, Shirkado waaweyn, Agaasimaha Guud ee WFP, ururo aan dawli ahayn, khubaro iyo danjirayaasha fadhigoodu yahay dalka Jarmaalka.
Xubnaha Baarlamaanka Jarmalka waxay Gudoomiye Cirro si laxaad leh ugu amaaneen tanaasulkii uu sameeyey doorashadii Madaxtooyada JSL isaga oo dalkiisa ka badbaadiyey khilaaf siyaasi ah iyo burbur ku yimaada.E70E443E-F738-42A0-A558-B0BA722E93B9
Mudada uu joogo Gudoomiyuhu dalka Jarmalka waxa uu la kulmi doonaa Jaaliyadda Somaliland , madaxda iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee laanta Jarmalka.