Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Raysal Wasaaraha Dalka Ethiopia Oo Laamaha Amaanka iyo Ciimada Dalkiisa Ku Eedeeyey Inay Gaystaan Falal Argagaxiso.

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa laamaha ammaanka ee dalkiisa ku eedeeyay in ay gaystaan falal argagixiso iyaga oo si sharci darro ah dadka u xidha una jidh dila.

Abiy ayaa xilka loo dhaariyay labo toddobaad ka hor isaga oo ballan qaaday in uu isbadallo waawayn samayn doono.

Kumannaan ruux oo ay ka mid yihiin dad siyaasad u xidhnaa ayaa la sii daayay, bishan horraanteediina wuxuu shaqada ka tiray taliyihii ciidammada iyo midkii sirdoonka.

Billo ka hor wax aan la filan karin ayay ahayd in qof masuul ah uu dawladda Itoobiya ku eedeeyo falal argagixiso. Balse arrintaas ayuu hadda ku dhaqaaqay ra’iisulwasaaraha.

Abiy oo baarlamaanka su’aalo ooga jawaabaya ayaa la waydiiyay sababta uu xabsiga uga sii daayay dad argagixiso lagu eedeeyay, Abiy ayaa markaas yiri yaa argagixiso ah marka ciidammadii dawladda loo adeegsanayo in ay dad xilka ku sii hayaan.

Wuxuu sheegay in tuulo kaste oo dalka Itoobiya ku taalla dad lagu jir dilay qolal madawna lagu xiray iyaga oo maxaabiis ah.

Sannadihii u dambeeyay hay’addaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa dawladda Itoobiya ku eedaynayay in ay gacan bir ah ku hayso mucaaradka saxaafadda xorta ahna caburinayso.

Ra’iisulwasaaraha Itoobiya ayayna ka go’antahay in uu isbdal ku sameeyo arrintaas.

 

Xigasho BBC Somali News.

%d bloggers like this: