Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Somaliland Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada Sare iyo Hoose Oo Ka Bilaabmaya,+Wasaarada Waxbarashada Oo Aad u Adkaysay Sanadkan.

Hargeisa(GNN):-Imtixaanka shahaadiga ah ee sannad dugsiyeedka 2017/2018 laga qaadayo aryda Somaliland ayaa lagu wadaa inuu ka adkeedo sannooyinkii la soo dhaafay, sababo lagu sheegay kobcinta tayada waxbarashada awgeed.

Maalinta beri ah ayaa la filayaa in uu guud ahaan deegaanada Somaliland ka furmo imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada hoose dhexe iyo sarreba.

Ilaalada kala duwan ee imtixaanka ayaa loo kala diray gobolada Somaliland oo dhan sida ay sheegeen mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada Somaliland.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ee Somaliland Cabdulqaadir Maxamuud Sheekh Muxumed oo dhawaan saaxaafadda la hadlay ayaa sheegay in sannadkan imtixaanku uu ka adag yahay sannooyinkii la soo dhaafay, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Imtixaanaadku sannadkan waxaan ugu talogalnay in uu noqdo imtixaankii ugu adkaa oo aan ugu talaggalnay in aanu qishkana ka ilaalinno, mobile-da ka ilaalinno, wax kasta oo suuraggal ah in uu si cadaalad ah u dhaco. Waxaan waalidiinta iyo ardaydaba u sheegaynaa imtixaanka inaanuu adkeynno ulamajeedno inaan ardaydayada iyo caruurtayada dhibno, laakiin waxaan ulajeednaa tayada waxbarashada inaan kor u qaadno.”

Sidoo Kale Waxaa Isaguna Maanta Gudaha Caasimada Hargeisa Kormeero Kala duwan Kusoo Maray Goobaha lagu Galayo Imtixaanaadka Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Saree Mudane Faratoon, kormeerkaas oo ahaa mid lagu sii hubinayo goobaha ay Ardaydu ku gali doonaan imtixaanaadka.

Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay: “Waxaanu rabnaa tayadii waxbarashada inaanu soo celinno, ardaygu isagoo bisil in uu jaamacad haweysan karo, waxaanuu wasaarad ahaan qorsheynnay in dhammaan kormeere kasta iyo macallin kasta  ardaygii uu yaqaanney maahee aanuu meel kale geynno.”, ayuu yidhi wasiir ku-xigeenka waxbarashada Somaliland.

Ugu danbeyntiina sannadkii la soo dhaafay ayaa imtixaanka shahaadiga ah ee Somaliland waxaa laga soo calaamadeeyay qodobbo ay ka mid ahaayeen, ilaaladiisa oo aad u adkeyd,  ardayda oo loo diiday iney wax mobile-ah la galaan goobaha imtixaanka, macallimiin la sheegay iney ardayda qishka u sahlayeen oo xabsiga loo taxaabay, iyadoo arrintii ugu yaabka badneynd ay noqotay kaidb markii ay imtixaanka u fadhiisteen arday xabsiyada ku jirtay oo dambiyo madani ah loo haystay.

%d bloggers like this: