“Waxa Aad Arkaysaa Qof 3 Wasaaradood Ka Shaqeeya Iyo Qof Kale Oo Bilaa Shaqo Ah…” Madaxweyne Ku-xigeenka Oo Ka Hadlay Xaqiiqo Ka Jirta Somaliland.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa saaka soo xidhay barnaamijka madaxtaabashada shaqaalaha dawladda ee socday dhawrkii bilood ee u danbeeyay taasi oo ay gacanta ku haysay hay’adda shaqaalaha dawladdu, kana caawinayey Baanka Adduunku.

Barnaamijkani oo socday dhawrkii bilood ee u danbeeyay ayaa noqonay kii ugu horeeyay ee lagu tirinayo laguna tayaynayo shaqaalaha dawladda ee laga qabto Somaliland guud ahaan.

Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa ka hadlay xaqiiqooyin ka jira Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO hadalka Madaxweyne ku-xigeenka