Maamulka Jubland Oo Taliye Federaalku Soo Magacabay Ka Celisay Garoonka Diyaaradaha.

Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo maanta shir jaraa’id ku qabtay garoonka magaalada Kismaayo ayaa sheegay in garoonka ay ka celiyeen wafti uu hoggaaminayo taliye cusub oo loo soo magacaabay ciidamada xerada 43-aad ee federaalka ee qaabilsan gobolada jubbooyinka.

Taliyahan cusub ayaa lagu magacaabaa Jeneraal Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow)sida lagu daabacay bogga rasmiga ah ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Ciidamada guutada 43-aad ee fadhigeedu yahay magaalada Kismaayo waxaa hadda taliye ka ah Jeneraal Ismaaciil Saxardiid.

Jeneraal Bagmadoow oo horey uga tirsanaan jirey ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, balse sanadihii dambe qurbaha ku maqnaa ayaa darajada jananimada loo dalacsiiyay bishii hore.

Jubbaland: Xaasaska Shabaab waa in ay isaga baxaan Kismayo

Kooxaha ay cayaarta dhex martay

Sida ku cad qoraalka kusoo baxay bogga Jubbaland, soo magacaabista taliyaha ayaanan waafaqsanayn sida uu nidaamka ahaa, waxaana la yiri “Dowladda federaalka oo iska indha tireysa heshiiska hab dhismeedka Amniga ee lagu galey 11-May-2017 magaalada London ee dalka Ingriiska , heshiiskaas qodobkiisa 20aad ayaa qeexaya habka loo marayo soo magacaabidda taliyaha qeybta ee ciidamada ku sugan deegaanada Dowlad goboleedyada, qodobka ayaa sheegaya in Dowladda federaalku kaliya kusoo magacaabi karto taliyaha qeybta kadib markii ay latashi kala sameyso madaxweyna Dowlad goboleedka deegaankaas iskuna waafaqaan qofka lasoo magacaabayo”.

Jeneraal Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow)Lahaanshaha sawirkaFACEBOOK
Image captionJeneraal Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow)

Qoraalka ayaa waxaa intaas lagu sii daray “Dowladda federaalku maysan wax talo ah ka weydiinin Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam magacaabida taliyaha cusub ee qeybta 43aad ee XDS ee ku sugan Kismaayo , taas oo ugu danbeyn buuq keentey sababteyna in saaka diyaaraduu xamar kaga yimid lagu celiyo taliyihii loo soo magacaabey qeybga 43aad ee XDS Gen .Cali Bogamdow”.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dowladda federaalka, balse arrintan ayaa imanaysa xilli la isu diyaarinayo shirka arrimaha amniga looga hadlayo ee dhawaanta ka furmayo magaalada Brussels.

Waxaa shirkaad ku wada casuuman madaxda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada oo uu ka midyahay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam.