Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Iyo Wafti Uu Hogaaminayo Oo Soo Kormeeray Dhismaha Wadada Ceergaabo + Sawirro

Burco(GNN):-Waftidii Uu Hogaaminayeweyne Ku Xigeenka Somaliland Ee Arrimaha Nabadaynta U Joogay Deegaanka Degmada Ceel Afweyn Ayaa Saaka Kor Meer Indho Indhayna Ugu Baxay Dhismaha Jidka Wadada Ceerigaabo.

Waftidan Ayaa Ka Kooban Madaxweyne Ku Xigeenka Jsl, Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Ciyaaraha, Wasiirka Xanaanada Xoolaha Iyo Kalluumaysiga, Agaasimaha Guud Ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Ee Amniga , Taliyaha Ciidamada Boliska , Taliyaha Ciidamada Birmadka Iyo Saraakiisha Ciidamada Milatariga.

Waftidan Uu Hogaaminayo Madaxweyne Ku Xigeenka Jsl Ayaa Degmada Ceel Afweyn Maalinimadaa Shalay U Yimi Arrimaha Nabadaynta Beelaha Walaalaha Ah Ee Dhawrka Jeer Shaqaaqadu Dhex Martay Sidii Loogu Soo Dabaali Lahaa Nabad Waarta Isla Markaana Bogooda Burcad Layskugu Marin Lahaa.

Waaftida Ayaa Iyaga Oo Hawlahooda Shaqo Ku Gudaha Jira Waxaa Ay Hadana Si Ay Xogogaal Ugu Noqdaan Arrimaha Bulshada Kormeelkan Ku Tageen Jidka Isku Xidha Degmada Ceel Afweyn Iyo Ceerigaabo Halkaasi Oo Waftida Uu Uga Warbixiyey Mid Kamida Injineerada Wadada Dhisayaa.
Dhinaca Kale Ee Waftida Waxaa Halkaasi Hadalo Kooban Ka Jeediyey Madaxweyne Ku Xidheeg , Wasiirka Arrimaha Gudaha Iyo Wasiirka Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Waxaana Ay Dhamaantoodba Ku Booriyeen Shaqaalaha Ku Hawlan Wadadaasi Inay Dedaal Muujiyaan Isla Markaaha Hawlaha Shaqo Ee Ay Garanka U Hayaan Halkaasi Kasii Wadaan .

Image may contain: 6 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 6 people, people standing and outdoorImage may contain: 5 people, people smiling, people standingImage may contain: 2 people, people standing and outdoorImage may contain: 1 person, sunglassesImage may contain: 2 people, outdoorImage may contain: 1 person, outdoorImage may contain: sky, cloud, outdoor and natureImage may contain: 3 people, people smiling, closeupImage may contain: 5 people, people smiling, people standing and outdoor

 

%d bloggers like this: