Daawo Khamri Xashiishad Iyo Waxyaabo Kale Oo Mukhadaraad Ah Oo Magaalada Wajaale Lagu Qabtay Iyo Maxkamada Oo Xukuno Adag Ku Ridey Dadkii Lagu Qabtay

Wajaale(GNN)Maxkamada Gobol Degmo  Gabiley Laanteeda Magaalada Wajaale Ayaa Maanta Soo Bandhigtey Mukhadaraad Kala Duwan Oo Iskugu Jira Khamri Xashiishad Iyo Waxyaabo Kale Oo Ay Soo Qabqabteen Ciidanka Booliska Degmada Wajaale Oo Markasta Heegan Ugu jira Badbaadinta Bulshada Dalka,Mukhaadaraadkan Kala Duwan Ayaa Kaso Galay Dhanka Itoobiya Maha Markii Uhoreysay Balse Baryahan Danbe Waxa Soo Badanaya Ququlka Maandooryiha  Soo Galayo Dalka Iyado Maxkamaduna Ay Dadaal Ugu Jirto In La Joojiyo Mukhadaaradkan Oo Ay Xukuno Adag Ku Rido Danbiilayasha Laguso Qabto In Ay Ka Ganacsanayeen Daraagiskan,

HALKAN HOOSE KA DAAWO MUUQAALKA

Gudoomiyaha Maxkamada Gobol Degmo Gabiley C.Kariim Cumer Cabdi Oo Ah Masuul Udamqanaya Bulshada Uu La Nool Yahay Ayaa Isla Markaana Xukuna Adag Ku Rida Dadka Ka Hor Imaad Shareecada Islaamka Ayaa  Ku Dhawaaqay Xukunada Lagu Ridey Dambiilyaasha  Lagu Qabtay Mukhaadaraadkan, Gabagabadii Waxa Mukhaadaradkan Kala Duwan Lagu Gubey Duleedka Magaalada Wajaale Si Bulshada Looga Badbaadiyo Halista Cafiamad Ee Uu Keenayo Mukhaadaradkani,Oo Ay Goob Joog Ka Ahaayeen Xeer Ilaalinta Maxkamada Iyo Talyaha Booliska Saldhiga Wajaale Iyo Talyaha Qaybta Gobolka,

REPORTER JACFAR CAWIL HERERI

GABILEY.NET 

WAJAALE OFFICE