Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Alle Ha’u Naxariistee Waxaa Goordhawayd Magaalada Hargaysa Ku Geeriyooday Oday/Muj Jaamac Nuur Xasan.

INAALILAAHI WA,INAA ILAYHI RAAJUCUUN.

 Rabi naxariistii jano haka waraabiyee waxaa goor dhawayd cisbitaalka wayn Ee magaalada Hargaysa ku Geeriyooday Marxuum Oday Jaamac Nuur Xasan oo mudooyinkii u danbeeyay xanuunsanayay.

Marxuumka  ayaa ka mid ahaa Ganacsatadii doorka wayn kasoo qaatay taakulayntii Ciidanka SNM Ee Dib u xoraynta gayiga Somaliland isagoo Halgankaasi  usoo galay jeel iyo dil ay ku Xukuntay Taliskii Mucagaga ahaa ee Siyaad bare kuna jiray odayaashii laga soo jabiyay jeelka Madheera    Sidoo kale Marxuum Jaamac Nuur ayaa kamid ahaa odoyaashii doorka muuqda kasoo qaatay dib udhiskii Jamhuuriyada Somaliland isaga oo ka mid ahaa ragii waqtigaas naf iyo maalba usoo huray.

Sidoo kale marxuum Jaamac Nuur Xasan aya ka mid ahaa raggii dhidibada u taagay xisbiga Kulmiye isaga oo waqti badan iyo maskaxba galiyay sidii xisbiga Kulmiye mar uun xukunka dalka u qaban lahaa, waxaanu ahaa baalasha uu ku duuli jiray xisbiga Kulmiye mudooyinkii uu talada dalka u ordayay isaga oo tiir dhexaad u ahaa guulihii xisbiga kulmiye ku hantiyay talada dalka.

Marxuumka ayaa waxay  saaxiibo dhaw ahaayeen madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

Taariikhda marxuum Jaamac Nuur ayaan ahayn mid halkan lagu soo koobi karin

Waxaa Halankan  tacsi tiiraanyo leh udiraya Qoyskii Iyo Qaraabadii Uu ka Baxay Marxuum Jaamac Nuur Odoyaasha iyo madaxdhaqameedkan hoos ku qoran,

Waxayna Ilaahay uga baryeen in qoyska iyo qaraabadii iyo umada Somaliland uu ka baxay Samir iyo Iimaan kasiiyo

Marxuumkan waxay ilaahay uga baryeen in uu ilaahay su,aasha ufududeeyo janatul fardowsa raxmaan ku geeyo

Waxaana Marxuumka Maalinta Barrito Ah Lagu Aasi Doonaa Haddii Alle Qadaro Xabaalaha Baqiic ee hore loo odhan jiray Sh Aadan Siiro.

AAMIN AAMIN

Caaqil Maxaamed Cabdi Qawdhan

Cheef Caaqil Dayib cabdi Ciidle

Caaqil Muuse Ciise XIrsi

Oday xaashi cismaan dholaal

Oday Muuse muxumed guuleed (muuse inji)

Ciise Sheekh Muxumed Warsame

Caydaruus Sheekh Yuusuf Bulaale

Maxamed Ciise Jimcaale

Cabdilaahi Xuseen Daa,uud

Cabdiraxmaan Aadan Jaamac

Cabdicasiis Cabdilaahi Caalin

Cali Cabdiqaadir Muxumed

Xasan Cali Aaden

Mukhtaar maxamed muxumed

Maxamed Cali Aaden

%d bloggers like this: