Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Oslo: Laba qof oo u dhaq-dhaqaaqa ka hortaga Kufsiga ayaa ku guuleystey Abaalmarinta Nabadda ee Nobel 2018

Guddiga Abaalmarinta Nobelka (Nopel Peace Prize) ayaa maanta magaalada Oslo ee dalka Norwa uga dhawaaqey in dhahtarka la yiraahdo Denis Mukwege iyo gabadha la yiraahdo Nadia Murad ay sanadka muteysteen abaal marinta nabadda ee Nopel-ka. Labadan qof ayaa ku muteystey abaal marinta sida ay ugu dhaq-dhaqaaqaan in la joojiyo galmada cunfiga iyo kufsiga ku dhisan, isla markaana u gacan qabteen haweenka dhibbanaha ah galmada aysan kufsiga iyo cunfiga ku timid.

Dr. Denis Mukwege ayaa ah dhakhtarka haweenka waxaana uu u dhashey dalka Kongo, waxaana uu haween badan ka caawiyey dhibaato badan oo dhanka galmada ka soo gaartey, Dalka Kongo Kinhasa ayaa lagu tilmaama dalka ugu badan caalamka ee ay ka dhacaan kufsigu.

Nadia Murad ayaa u dhalatey dalka Ciraaq waxaana ay ka soo jeedaa qaymiyadda Yasidiyiinta ee Waqooyiga Ciraaq, waxay kamid ahayd gabdhihii ay qafaasheen Malayshiyaadkii Daacish, Nadiya ayey u suurta gashey in ay ka baxsato Daacish, waxaana ay hadda tahay Ambasador ka tirsan Qaramada Midoobey oo u dhaq-dhaqaaqda ka hortaga galmada cunfiga iyo kufsiga ah.

Horey waxaa loo hadal hayey in sanadkan Abaalmarinta nabaddu ay aadeyso dhanka gacanka Kuuriyadda oo aad isugu soo dhawaadey, Trump yaa sheegta libinta isu soo dhawaanshaha labada Kuuriyo taas ma dhicin.

Abaal marinta Nobel peace prize ayaa sanadkasta la baxshaa taariikhdu markey tahay 10 December, taas oo ku beegan dhimashadii Alfred Nobel’s sanadkii 1896 ee lagu xuso abaalmarintan taas oo ahayd dar-daarankiisi, magaalada Oslo dalka Norway waxaa lagu bixiyaa midda nabadda, halka caasimadda Sweden lagu bixiyo abaal-marinta, Caafimaadka, Suugaanta, Kimisteriga iyo Fisigska

%d bloggers like this: