Boqorka Beelaha Daarood Oo Soo Gaadhey Gobolka Sool+ U Jeedada Socdaalkiisa

Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa maanta soo gaadhey gobolka Sool.

Waxaana boqorka meel 10 km u jirta degaanka Tukoraq kusoo dhoweeyey wasiirka Horumarinta Biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore ,Guddoomiye ku xigeenka Hay’adda Ka Hortaga Afooyinka Dabiiciga ah iyo Kaydka Raashinka Qaranka  iyo Garaadka guud ee gobolka Sool Garaad Jaamac garaad Ismaaciil .

Waxa kale oo soo dhoweyntaasi qayb ka ahaa Maayirka degmadda laascaanood iyo saraakiisha ciidamada Qaranka ee degaankaasi ku sugan .

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland oo socdaalka boqorka ka hadlay ayaa sheegay in ay ka xukumad ahaan kusoo dhoweynayaan boqorka dalka Somaliland ayna la qaban doonaan hawlaha uu u socdo ee Nabadaynta beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamay dhowaan Koonfurta gobolka Sool.