Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Ciidamo Boolisa Oo Laga Dajiyey Magalada Baydhabo + Ujeedada Loo Geeyey

 Hargeysa (GNN) Iyadoo dowladda federaalka Soomaaliya maanta magaalada Baydhabo u dirtay ciidamo Booliis ah ayaa waxaa arintaa siweyn uga soo horjeestay kuna tilmaamay in ay fara-galin tahay xildhibaanno ka soo jeeda maamulka Koonfur Galbeed.

Xildhibaan Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo ka tirsan mudanayaasha Golaha Shacabka lagana soo doorto Koonfur Galbeed ayaa sheegay in wax lala yaabo tahay tallaabadan ay dowladdu qaaday.

Wuxuu sheegay in xildhibaanka in dowladdu waligeed xitaa Labo askari ku taageerin maamulka Koonfur Galbeed dagaallada uu kula jiro sida uu hadalka u dhigay kooxaha Cadawga, laakiin wax lala yaabo tahay in ciidamo hubeysan la keeno magaalada xili loo diyaar garoobo doorasho hannaan nabdoon ku socta.

Aadan Madoobe ayaa intaa ku daray in aysan aqbali doonin in wax aysan raali ka aheyn shacabka Koonfur Galbeed lagu qasbo, isaga oo uga digay dowladda in ay burbur u horseedo bulshada.

Doorashada 05 bisha la filayo in ay ka dhacdo magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku loolami doono inta la ogyahay ilaa saddex musharax oo kale ah Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur, Cabdicasiis Lafta –Gareen iyo Xusseen Cismaan Xusseen, iyadoo musharixiintii kale dhawaan ku dhawaaqeen in ay u tanaasuleen Mukhtaar Rooboow kuna taageeri doonaan doorashad

%d bloggers like this: