DAAWO:Taariikhdii AUN Mujaahid Maxamed Xaashi ( Lixle) iyo ….

Taariikh Nololeedkii Marxuum Mujaahid Maxamed Xaashi Diiriye (Lixle)-W/Q Boobe Yuusuf Ducaale

Mar haddaan hillaab lagu gudbayn, giriftan mooyaane,

Gabgabteedu waa xubin intay, gawrac leedahaye,
Geeddiga cagaa daaliyaa, lagu geyoodaaye,
Gellimaadka hayskaga jirtiyo, goosan-habaqlaaye,
Gubuxsiga mar uun bay tirsiga, meel ka soo geliye,
Gar-garaaciddeediyo ha deyn, geed-ka-didinteeda,’’

Gud-gude, Hadraawi, 1990kii

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale – cankaabo@hotmail,com, www.dharaaro.comQormadii: 7aad

“Shaqadii ugu horreysay ee uu qabtay waxay noqotay Taliyaha Dugsiga Dhexe ee Gaadiidkii Ciidanka. 1971kii markii la laayay saraakiishii inqilaabka lagu eedeeyay ee ay Janaraal Caynaanshe iyo ay midka ahaayeen, wuxuu ka mid noqday saraakiil yar-yareyd oo lagu tuhmay in aanay ‘Kacaankii’ aad ula socon. Beddel qasab ah ayaa lagu geeyay ama loogu beddelay Akaademi cusub oo Kismaayo markaa laga furay oo saraakiisha lagu leylyi jiray. Macallin buu ka noqday. Kismaayo wuxuu ku sugnaa oo Akaademiyadaa macallin ka ahaa ilaa 1973kii.”

“1973kii mar labaad ayaa canaad ahaan iyada oo la niyad-jebinayo loo soo beddelay Dugsi lagu baran jiray Taangiyada oo laga furay Guutadii 2aad ee Taangiyada. Dugsigaas ayuu madax ka noqday. Dhallinyaro carbis ahayd ayaa lagu bari jiray Taangiyada.

1975kii ayaa loo diray wershed ku taallay magaalada ‘Shitoomir’ oo Xarunta ‘Kiev’ u dhaweyd oo lagu kabi jiray ama dayac-tiri jiray Taangiyada nooca 55-ka loo yaqaan. Markii halkaa la geeyay waanu wada soconnay. Siddeed bilood ayaanu halkaa joognay. Markii aanu Soomaaliya ku soo noqonnay waxaanu nimid iyada oo ay dhan yihiin Wershadaha Taangiyada lagu kabo: Tii Muqdisho iyo tan Hargeysa. Wuxu noqday Injineerka Guud ee Warshaddii Kabka ee Hargeysa muddo yar ka dibna waxa bilaabmay dagaalkii 1977kii dhex maray labadii nidaam ee Mengistu iyo Siyaad Barre.”

Mujaahid Ciise Curaagte ha I noo sii wado aqoontii uu u lahaa Lixle:

“Markii la is-qaybiyay waxa isaga lagu soo qaybiyay Kulmiskii Woqooyigan, Qaybta 26aad, ayaa looga dhigay sarkaalka Teknikada ee Kulmiskaa. Markii uu dagaalkaa galay wuxu ahaa Mijir ama Gaashanle, markii dagaalkii dhammaaday wuxu noqday Gaashaanle Dhexe, waxaana la keenay Hoggaankii Farsamada guud ee Wasaaraddii Gaashaan-dhigga. Intii uu Hoggaankaa joogay ayuu noqday Gaashaanle Sare.

1980kii iyada oo food-saaro looga dhigay in uu ku jiray Dhaqdhaqaaqii Waddaniga ahaa ee Soomaaliyeed ee SNM ayaa shaqadii laga saaray. Sidaa darteed ayaa hoggaankii qarsoonaa ee abaabulkii SNM ugu soo beddelay magaalada Hargeysa si uu hawlaha halganka u hoggaamiyo oo abaabulka SNM gacanta ugu qabto.

Sidii ay arrintu sidaa u ahayd, isaga oo mar-marsiiyo ka dhigtay in uu Dhubbato beer ku leeyahay oo uu ka shaqaysanayo ayuu hoggaan ka noqday Hawl-galkii lagu jebiyay Xabsiga Dhexe ee Mandheera 2/1/1983kii. Markaa ka bacdi waa ay u suurtoobi weyday in uu waddanka gudihiisa ku jiro, waxaanu u soo baxay Qaaxo bishii Juun 1983kii, waxaana markiiba loo doortay Xoghayaha Ciidammada Xoreynta ee SNM, waxaanu ka mid noqday Guddidii Fulinta iyo Golihii Dhexe ee SNM.”

1984kii ayay SNM go’aansatay in ciidammadii Awaare ka baxay gudaha la geliyo oo uu Taliye ka noqdo Maxamed Xaashi Diiriye, Lixle oo ay si joogto ah gudaha dalka ugu sugnaadaan. Sidaas ayaa Guutadaa Sayid Cali la magac-baxday lagu soo weeraray, bal se cadawgii lagaga guulaystay.

Idinka oo raalli iga noqon doona waa taariikhdii koobnayd ee Shahiid Maxamed Xaashi Diiriye, Lixle oo ahaa sarkaalkii ugu sarreeyay ee soo gala SNM. Wuxu ahaa kuwa doorka roonaa geesiyaashii SNM soo maray. Wuxu ahaa tusaale nool oo lagu daydo. Wuxu ahaa nin keni-adayg iyo dhiirranaan la yaab leh u dhashay oo aan Faqashta iyo dirkeedba aan waxba iskaga tirin jirin. Nin higsi iyo himilaba leh ayuu ahaa. Wuxu ahaa geesi yaqaannay halka uu ka guurayay iyo halka uu geeddi u ahaaba.

Naxariistii janno Ilaahay ha ka waraabiyo, innagana samir iyo iimaan ha inaga siiyo.

Gebegebada sheekada:

Shudadu ma aha wax lagu dibbiro-dhacsado sida immika aynu aragno. Shuhadadu ma aha wax af-madhan iyo calool naxli dhaamiyay lagu soo qaado. Mana aha wax la isugu tar sheegto oo muxaafid iyo mucaarud laga dhigto wax dadweynaha lagu beer-laxawsado. Weliba dadka kale ha joogaane taa kama ay mutaysan kuwii ay halgankii hubeysnaa bah-wadaagta ku ahaayeen ee maalin kasta oo la xusayaba af-madhnaanta iyo digashada ula yimaadda.

Shuhadadu ma aha wax la yidhaahdo wax ayaynu u qaban karaynay, u qaban karnaa amaba u qaban doonnaa. Ma aha in shuhadadii lagu ololeeyo. Ma aha in agoonta laga dhigto wax cid loogu ololeeyo ama cid kale lagaga ololeeyo sida dhaqanku yahay maanta oo calool-xumo iyo uur-ku-taallaba leh. Ma aha maalin kasta oo shuhadadii la xusayo in makrifoonnada af madhan iyo ballan-qaad aabbihii goblamay agoonta lagu maaweeliyo. Maalinta shuhadadu waa munaasibad iyo maalin u baahan in mashaariic iyo wax-qabad lagu maamuuso. Horaa loogu maah-maahay: “Meel hoo u baahan, hadal wax kama taro.”

Weliba markii maah-maahdaa la sameeyay arrintu hadal keliya ayay ku koobnayde, hadalka maantu waa mid naxli iyo nacba cokan oo aan loo baahnayn.

Shuhadadii dhammaantood mid dedan iyo daalacanba Ilaahay ha u wada naxariisto.

Sidaa iyo nabadgelyo,
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

 

MUJAAHID MAXAMED XAASHI DIIRIYE
(Lixle)
Waxaan halkan idiinku Soo
Gudbinayaa Qoraal Kooban oo ka
waramaya dagaalkii Burco-Duurey oo
ah dagaalka
lagu asteeyey Maalinta Shuhadada
SNM.
Sidaas darteed waxaa xusi doona
Taariikhda Maalintan dad badan
anigu waxaan halkan ku soo qaray
warbixiintii
Mujaahid Ibraahim Koodbuur, u Diray
Gudoomiyaha SNM, oo dhamays tirna
waana sidan :-
SOMALI NATIONAL MOVEMENT
KU: Gudoomiyaha SNM 25/10/1984
Dire Dawa (Diri Dhawa)
UJEEDDO: WARBIXIN DAGAAL
17 Oct. 1984 , saacaddu markii ay
ahay 2.45 galabnimo Guutada Sayid
Cali ee deganayd Kaam-Xabashi waxaa
soo weraray cadaw watey 24 Gaadhi
oo kala ah
a) Toban Gawaadhida Gaasaaman ah
b) Afar Jeep( Ama Jiib)
c) Laba Suug
d) Laba Shilke
e) Laba Toyota oo Xambaarsan
Qoryaha (Prown & Gerinove)
f) Afar Ife oo ah gaadiidka Waaweyn
Ciidanka cadawgu wuxuu ka koobnaa
shan Boqol (500) oo askari oo aad u
hubaysan .
Ciidankeenu wuu ka digniin helay
cadaga oo wuxuu ugu diyaar garoobey
meel kaymo xidhan leh .ciidankeenu
wuxuu gaashaanka u qabtya oo uu
dib u celiyey raacii hore iyo Raacii
labaad ee cadawga oo uu ka dhigay
wax dhintay, wax dhaawacmay iyo wax
baxsaday gaadiid badana ka gubey.
Afartii iyo badhkii galabnimo (4.30
PM) waxaa ciidankeena soo weeraray
raacii 3aad ee cadawga waxaanu
dagaalamayey ilaa 9 fiidnimo
(9.00PM) markaas oo la is arki waayey
oo la kala hulleelay.khasaaraha
cadawgu wuxuu noqday
a) 108 askari oo geeriyoodey iyo askar
badan oo dhaawacantay
b) 9 Gaadhi oo gaasaaman oo laga
gubey 2 ka mid ahna Lagala hadhay
c) 3 Gaadhi oo laga gubey oo kala ah
hal Jeep, hal Shilke iyo hal Toyota
d) Hub iyo rasaasna waa laga furtay
KHASAARAHA CIIDANKEENA GAADHEY
Mujaahidiinta hoos ku qoran oo
shahiidey:-
1) Mujaahid, Maxamed Xaashi Diiriye
(Lixle)
2) Mujaahid. Maxamuud Maxamed
(Magaciisa kale ma muuqanayo)
3) Mujaahid Maxamed Cadduur ileeye
4) Mujaahid Jaamac Yaasiin Odowaa
5) Mujaahid Cabdi Cabdalle Mubaarik
6) Mujaahid Maxamed Cabdilaahi
Caydiid
7) Mujaahid Axmed xasan Cilmi
Mujaahid Yuusuf Axmed Xirsi
9) Mujaahid Maxamuud Aadan Cali
10) Mujaahid Yuusuf Xirsi (Timo Jilic)
11) Mujaahid Yuusuf xasan ismaaciil
12) Mujaahid Maxamuud Cabdilaahi
Maxamed
13) Mujaahid Maxamed Cabdi Nuur
14) Mujaahid Dayib …… Cumar
15) Mujaahid Axmed faarax Xirsi
16) Mujaahid Xaamud Ibraahim
Ismaaciil
17) Mujaahid Jaamac Aadan Madar
18) Mujaahid Axmed Aadan Yuusuf
19) Mujaahid Cabdillaahi Daahir
Kooshin
20) Mujaahid Cabdiraxmaan Daahir
Yuusuf
21) Mujaahid Axmed Cigaal Jaamac
22) Mujaahid Axmed Ismaaciil
Caateeye
23) Mujaahid Caydiid Hurre Cige
24) Mujaahid Haybe Jaamac Kediye
25) Mujaahid Cabdilaahi Cabdi
Ibraahim
Intaa waxaa raaca hal Mujaahid oo
dhaawac lagu Qabtay Magaciisuna
yahay, Ismaaciil Maxamed Guuleed
iyo 30 Mujaahid oo dhaawacmay
Badankooduna dhaawac fudud yahay.
HUBKA LA WAAYEY
a) PKM 1 Qori
b) RPD 4 Qori
c) RPJ/7 ,1 Qori
d) AK 18 Qori
Total 24 Qori
Taariikhdu markay ahayd 19/10/1984
Ciidamadeena ka yimi dugsiga
Tababarka Laanqayrta iyo Dhooba
Guduud waxay weerareen cadawga
Qol- Buulalleh jeer habeen ah
khasaaraha cadawga oo aad u weynaa
weli lama soo tirinin, Ciidankeena
waxa ka Shahiidey Maxamuud Siciid
Daa’uud
Guul iyo Gobanimo
Mujaahid Ibraahim Kood-buur
Abaanduulaha Ciidamada SNM