Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Dawladda Ingiriiska Oo War Ka Soo Saartey Arimo Ay Somaliland Kula Fikir Tahay Iyo Mawqifka UK Ee Aqoonsiga S/land

Hargeysa (GNN):- Wasiirul dawlaha Ingiriiska u qaabilsan arrimaha horumarinta dalalka barwaaqo sooranka Harriet Baldwin, ayaa sheegtay in Ingiriisku Somaliland kala shaqeeyo arrimo badan oo ay ka mid yihiin ammaanka gobalka, waxaanay sheegtay inay Madaxweyne Biixi dhawaan kala hadashay arrimaha ammaanka gobalka. Laakiin Wasiir Baldwin waxay aqoonsiga qaddiyadda Somaliland ay ku soo riixday in lagu dhammeeyo wada hadal Soomaalida dhex mara, wadamada gobalkuna aqoonsadaan.

Xildhibaan Jim Cunningham oo ka tirsan xisbiga shaqaalaha ee dalka Ingiriiska, ayaa baarlamaanka Ingiriiska wuxuu Wasiir Harriet ku weydiiyay su’aal ahayd waxyaabaha ay dawladda Somaliland kagala hadashay wada hadaladii u dambeeyay ee dhinacyada ammaanka gobalka iyo qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland.

Wasiir Harriet Baldwin ayaa ku jawaabtay sidan “Waxaan Madaxweyne Biixi kala hadlay arrimaha ammaanka; socdaalkaygii 7 Oktoobar ee Hargeysa. Somaliland door muhiim ah ayay kaga jirtaa la dagaalanka khatarta  argagixisada ee gobalka. Ingiriisku wuxuu Somaliland siiyaa kaalmo dhawr dhinac ah oo ay ku jiraan xoojinta awooda Somaliland  si  meesha looga saaro hadidaada argagaxisada, in caddaymo la ururiyo dambiilayaashana la xidho iyadoo lagu salaynayo xurmaynta xuquuqal insaanka iyo saraynta sharciga.

Dawladda UK, waxay taageersatanahay dedaalada Somaliland ee ku aaddan inay gacan ka gaysato ammaanka gobalka iyadoo la  shaqaynaysa Booliska, garsoorka iyo bulshada rayidka ah.

Waxaanu ka walaacsanahay isku dhacyadii sannadkan horaantiisii ka dhacay magaalada Tukaraq, waxaanu si adag ugu dhiirigelinaynaa hoggaaminayaasha dhammaan dhinacyada inay khilaafaadka ku xaliyaan nabadgelyo kalana shaqeeyaan dhexdhexaadinta ay wadaan urur goboleedka IGAD.

Ingiriisku ma aqoonsana madaxbanaanida Somaliland. Mawqifkayaga mudada dheera waa halkiisii, oo ah in Soomaalidu ay heshiis ka gaadhaan arrinta Somaliland iyagoo wada hadal u maraya  iyo inay wadamada gobalku horseed ka noqdaan aqoonsiga natiijada wada hadalkaas.”

Source:- Geeska