Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Deg Deg :- Agaasimaha Wasaarada Caafimaadka Somaliland Oo Iminka Rasaas Lagu Dhawaacay.

Hargeysa  (GNN):- Askari ka tirsan ciidamada somaliland ayaa dhaawac u gaystay Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka somaliland Maxamed Cabdi Xergeeye.

Wararka la helaayo ayaa sheegaya in agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadku uu dhaawac ka soo gaadhay rasaas uu ku furay askari deganaa dhul la doonayey in laga raro.

Askarigan rasaasta ku furay agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka ayaa ka mid ahaa dad la sheegay inay dagan yihiin  dhul uu leeyahay dugsiga caafimaadka ee dawladu maamusho, kaas oo loogu tala galay inay galaan macalimiinta wax ka dhigta dugsigaas balse burburkii dawlada Soomaaliya ka dib ay daganayeen dad shacab ahi.

Agaasimaha guud ayaa la sheegay inuu askarigan oo qoyskiisu daganaa dhulkaas ku amray inuu ka guuro, taas oo keentay in cadho ku dhalatay askariga ay keentay inuu rasaas furo.

Wararka ayaa sheegay in agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadku uu ka dhaawacmay bawdada isla markaana ay rasaastu dhex martay hilibka balse aanay jabin, kaas oo haatan ku sugan gurigiisa magaalada Hargeysa ka dib dawayn kooban loo loo sameeyey.

GABILEY.NET

%d bloggers like this: