Madaxweyne Trump Oo Iska Fogeeyay…..

USA (GNN):- Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa waxa uu iska fogeeyay warbixin lagu sheegay inuu isagu amray qareenkiisii xilligaas, Michael Cohen, inuu been u sheego Kongareeska.

Warbaahinta Buzzfeed ayaa waxa ay sheegtay in Mr Trump uu Cohen faray inuu been ka sheego qorshihiisa uu magaalada Moscow uga dhisayo dhismaha Trump Tower. Cohen ayaa bishii la soo dhaafay waxaa loo xukumay kiiskaasi.

Mr Trump ayaa waxa uu sheegay in qareenkaasi uu been ka sheegay mashruucii uu ka fulinayay Moscow si uu “hoos ugu dhigo waqtiga uu xabsiga ku qaadanayo”.

Siyaasiyiinta Xisbiga Dimuqraadiga ayaa waxa ay sheegayaan inay baadhi doonaan eedaha lagu daabacay warbaahinta Buzzfeed.

GABILEY.NET