Shirkadda WhatsApp Oo Soo Saartay Sharciyo Cusub + Saamaynta Uu Ku Yeelanayo Somalida.

Shirkadda WhatsApp ayaa ka xadideysa dhammaan macaameesheeda inay halkii fariin dadka la wadaagaan in ka badan shan jeer.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallo lagula tacaalayo wararka been-abuurka ah ee lagu baahiyo WhatsApp-ka iyo bogagga kale ee la xiriira oo ay leedahay shirkadda Facebook.

Facebook ayaa arrintan ka hirgalisay dalka Hinidya lix bilood ka hor.

Tallaabadan ayaa la qaaday ka dib markii ay waddankaas ka dhaceen dhowr fal oo dadweynaha ay ku dileen shakhsiyaad, waxaana soo baxay warar sheegayay in ay falalkaas ka dhasheen warar been abuur ah oo lagu faafiyay WatsApp-ka.

Illaa iyo haatan, dadka isticmaaala adeeggan ee ku

sugan waddamada kale ayaa isu gudbin karay fariimaha ilaa 20 jeer.

Sharciyadan cusub ee ay soo kordhisay shirkada WhatsApp ayaa looga dhawaaqay xaflad ka dhacday caasimadda Jakarta ee dalka Indonesia.

Dalka Indonesia ayaa waxaa ka qabsoomaya bisha April ee soo socota doorashooyinka guud.

Shirkada WhatsAp ayaa u sheegtay BBC-da in go’aankan ay qaadatay kaddib markii “si taxadar leh” ay u qiimeysay natiijooyinka baaritaan ay ka waday dalkaasi muddo sannad barkiis ah.

“Xadiditaankan ayaa si xooggan hoos ugu dhigay fariimaha la isu diri jiray guud ahaan caalaamka,” ayuu yiri afhayeenka u hadlay WhatsApp.

“Arrintaan ayaa qeyb ka qaadan doonta in WhatsApp uu xoogga saaro fariimaha gaarka ah. Waxaan sii wadi doona dhageysiga jawaabaha aan ka heleyno dadka isticmaalo ee macaamiisheenna ah, muddo ka dibna waxaan raadin doona qaabab cusub oo wax looga qabanayo guud ahaan isticmaalka adeeggan”.

Saameynta uu ku yeelan karo ganacsatada

Ganacsatadda Soomaalida ayaa ka mid ah macaamiisha sida weyn u isticmaala adeegga WhatsApp-ka.

Cabdirashid Cismaan oo ku sugan magaalada Nairobi, waa ganacsade iibiya gawaarida, waxa uuna u isticmaala WhatsApp-ka inuu dadka ugu diro sawirada gawaarida uu hayo.

Sidoo kale Cabdirashid Cismaan, Shirkadaha iibiya gawarida ayaa usoo dira sawiro, isagana dad badan ayuuna lasii wadaagi jiray.

“In shan fariin oo kaliya shirkada WhatsApp ay kusoo koobto fariimaha aan la wadaago macaamiisheyda waa arrin adag”, Ayuu yiri Cabdirashid Cismaan.

“Waxaan ka baqayaa in culeys badan uu lasoo darso ganacsigeyga maadaama aan inta badan diro fariimo aad u tiro badan”, ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Fariimaha degdega ah

Ku dhawaad 256 qof ayaa iska diiwaangelin kara guruub kasta oo WhatsApp ah.

Marka, la sheekeysanayo, hal qof oo keliya ayaa haatan fariima la gudbiyo lasii wadaagi kara ilaa 1,280 oo ka mid ah dadka guruubka si ka duwan 5,120 oo qof oo uu horey u awoodey inuu fariinta u diro.

hase ahaatee wali ma jirto si loo joojin karo dadka fariimaha helaya in ay u sii diraan fariimahaasi in ka badan shan mar oo kale.

Xaddiditaankan ayaa imaana xilli adeegyada shirkadaha WhatsApp iyo Facebook la baarayo dowrka ay ka qaataan baahinta wararka beenabuurka ah ee baraha bulshada la iskula wadaago.

Toddobaadkii lasoo dhaafay, shirkadda Facebook ayaa ku dhawaaqday inay xirtay shan boqol oo bogag iyo koontiyo isugu jiray oo si sharcidarro ah uga qeyb qaadanayay faafinta wararka beenabuurka ah ee gudaha dalalka bartamaha Yurub, Ukrain iyo dalal kale oo ku yaallo bariga Yurub.

Waxay sidoo kale ku dhawaaqday Facebook inay shaqaaleysiisay koox xaqiiqo raadin ah oo fadhigoodu yahay Britain si sharciga saxda ah ee Facebook loo waafajiyo wax walba oo baraha bulshada galaya.

Sikastaba ha ahaatee, adeegsiga xogaha xafidan ee WhatsApp ayaa ka dhigan in fariimaha shirkaddan ay aqrisan karaan oo keliya dadka loo diro iyo kuwa ay gaaraan fariimuhu, taasi oo xadideysa awoodda shirkadda ee ah inay ogaato wararka been abuurka ah.

Balse dhammaadka sanadkii lasoo dhaafay, warbaahinta Indian Press ayaa qortay in dowladdu ay ka fakareysay inay isbeddel ku sameyso sharcigan kaasi oo ku qasbaya Facebook iyo WhatsAp in lagula xisaabtamo waxyaabaha “sharcidarada ah” ee la baahiyo.

Tallaabadan ayaana haddii la hirgaliyo waxay caqabad ku noqoneysa xuquuqdeeda gaarka ah ee xafidnaanta xogaha khaaska ah.

Source: BBC.