Hargeisa Daawo-Aas Qaran Oo Maanta Loo Sameeyey Marxuum Ganacsade Axmed C/laahi Cali+Xukuumada oo ka Muquuratay Aaska.

Hargeisa(GNN):-Aaskan Qaran ee Maanta Lagu Aasay Alle ha U naxariistee marxuum Aqoon yahan Axmed C.laahi Cali Dhiirane “Axmed Carab” Oo Kamid ahaa Ganacsatada Sida Weyn  looga Yaqaanay Guud Ahaan Somaliland iyo Dalalka Aynu Jaarka Nahayba Waxaa Kasoo Qayb Galay Bulsho Aad u Tiro badan oo ugu Horeeyo Musharaxa Madaxweyne Xisbiga Mucaaridka Ah ee Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed C.laahi Cirro, Halka Aaney jirin Dhinaca Xukuumada Somaliland hal masuul oo kasoo Qayb galay Aaska marxuumkan oo Magac iyo Manfacba Qaranka Somaliland iyo bulshadiisa Ku lahaa.