Mohamed Ibraahim Mocalimuu, Weriyihii hore ee BBC Muqdisho uga warami jiray Oo ka Badbaaday Qarax Caawa Ka Dhacay Muqdisho.

Qoraal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Facebook Wariye Sare Maxamed Ibraahim macalimu ayuu kagaga Waramay sida uu u dhacay qaraxan caawa gilgilay Hotel maka al mukarama oo ay ku dhinteen dad badani.

Allah ayaa mahad leh. Waan ka badqabaa qaraxii caawa.

Allah ayaa mahad leh oo iga badbaadiyay qaraxa weyn ee caawa ka dhacay hotel Maka Almukarama .

Waxa aan wada fadhinay aniga iyo saaxiibkeey Hassan Mohamed Dahir marka kaliya ayaa waxaan maqlanay xabado ,inta aan xabadaha is weydiineyno aya waxa dhacay qarax dhul gariir oo kale ah ,ma qiyaaso karo sida ay wax ahaayeen laakiin waxaan rumeysanahay in qaraxu oo ina bootiyay , uura madow iyo boorkii gidaarada burburay ayaa bilownay inaan haahaabanno .

Qaraxu waxa uu ka yimid dhanka Hilaac UK iyo Maka Almukarama ay iska galaan ee dhanka bari ee hoteelka.
Waa gadaasheena fadhiyay milikiilaha hoteelka Gurey Haji iyo xaaskiisa.

Burburkii iyo holacii ayaan soo dhexmaray ,dadka intiisa badan waxa ay u carereeen albaabka danbe laakiin aniga qatar ayaan u arkay waayo aragnimo hore darteed ,waxaanan aaday dhankii burburku saameeyay oo aan soo dhexmaray gidaarkii burburay oo ciidu aad ku gubaneysa kuleylkeeda ,markaan imid laamiga Maka Almukarama iyo bannaankaba waxa aan soo dhexmaray meydad ,gawaari gubaneysa ,dad caawinaad u qeylinaya oo aan waxba u tari kareyn ,meyadka aan anigu bannaanka ku soo arkay 15 baan ku qiyaasayaa oo u badnaa dad wadada maraya .

Asxaabtii reer Maka oo dhan oo aan wada joognay ,kama waramo xaalkooda . Intii dhimatay Ilaah ha u naxartiisto ,inta dhaawacana Allaha caafiyo.