Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Madaxweynaha Kenya Oo Xidhay Ciwaannadiisii Baraha Bulshada + [ Sababta ]

Nairobi (GNN):- Madaxweynaha dalka Kenaya Uhuru Kenyatta ayaa xidhay ciwaannadiisii baraha bulshada ka dib markii uu ruux aan loo fasixin galay ciwaannada, sida uu Twitterka ku soo qoray agaasimahiisa.

Nzioka Waita ayaan wax faahfaahin ah ka bixin waxa dhacay, balse wuxuu sheegay in ay khadka ku soo noqon doonaan “ka dib marka la saxo waxa khaldan”.

Ciwaannada Kenyatta uu ku leeyahay Twitterka iyo Facebook waxaa ku taxan malaayiin dad ah.

Warbaahinta gaarka loo leeyahay ee Star ayaa ku warrantay in Twitterka madaxweynaha saaka la soo dhigay qoraal xasaasi ah oo siyaasadeed, ayna arrintaasi ugu wacan tahay xidhidda ciwaannada madaxweynaha.

Wargeyska Star ayaa soo dhigay sawir uu ka qaaday qoraalkii uu madaxweynuhu soo dhigay Twitterka.

Twitterkaas waxaa ku qoran “haddii aad musuqmaasuq ku jirto waan kula dagaalamaynaa ,xataa haddaad tahay walaalkay, walaashay ama siyaasiga iigu dhaw oo musuqmaasuq ku jira waan kula dagaalamaynaa”.

Wargayska oo sii daba socda erayga ah siyaasiga iigu dhaw ayaa sheegay in laga yaabo in uu ka wado madaxweyne ku xigeenkiisa William Ruto.

Taageerayaasha Ruto ayaa Kenyatta ku dhaliilay dagaalka u dambeeyay ee ka dhanka ah musuqmaasuqa, kaas oo horseeday in la xirxiro oo su’aalo la waydiiyo masuuliyiin sarsare oo dawladda ka tirsan, waxayna sheegeen in ay tahay arrin aan waxba ka jirin oo uu ugu marmarsoonayo ku xigeenkiisa.

Dadkaas ayaa sheegay in la bartilmaameedsanayo dadka loo arko in ay u dhadhaw yihiin Ruto.

%d bloggers like this: