Raysal Wasaaraha Itoobiya Iyo Madaxweynaha Eretria Oo Gaadhey Dalka Konfurta Sudan Iyo Ujeedadooda + [ Sawiro ]

Addis Ababa (GNN):- Raysal Wasaaraha Dalka Itoobiya iyo Madaxweynaha dalka Eretria oo wada socda ayaa waxaa ay maanta ka dageen caasimada konfurta Sudan ee Juba .

Labadan  hogaamiye oo ka duulay caasimada Eretria ee Asmara ayaa ujeedadoodu ay tahay inay kulan la qaataan  madaxweynaha dalka Konfurta Sudan Salva Kiir , kala hadlaana arimo ay ka mid yahiin heshiiskii nabada , ganacsiga  iyo horumarinta kaabayaasha dhaqaale .

Waa markii ugu horeysay ee hogaamiyayaasha Itoobiya Iyo Eretria iyaga oo wada jir ay tagaan dalka Konfurta Sudan

GABILEY.NET