Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland Oo Heshiis La Gaadhay Dhigiisa Wadanka Djibouti iyo Nuxurka Qodobada Muhiimka ah+Sawiro

Hargeisa(GNN):-Wasiirka isgaadhsiinta iyo Technolog-yada somaliland Dr. Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi ayaa heshiis la gaadhay dhigiisa wadanka Djibouti Cabdi Yuusuf Suge.

Wasiirka isgaadhsiinta somaliland oo ay wehelinayeen agaasimaha Waaxda Isgaadhsiinta Eng. Maxamed Cumar iyo Agaasimaha Waaxda Boosaha Maxamed Cabdikariim ayaa safar saddex cisho ahaa oo ay ku joogeen dalka Djibouti ayaa wada hadal la yeeshay masuuliyiinta dhigooda ah ee dalkaasi.

Sidoo kale weftiga wasiirka isgaadhsiinta ayaa waxa wehelinayey Safiirka Somaliland u fadhiya Djibouti CabdiFataax Siciid iyo Safiirka Djibouti u fadhiya Somaliland Xuseen Cumar, halkaas oo ay wasiirka iyo wafdiga ay hogaaminayaan la kulmeen soo dhawayn balaadhan.

Wasiirka iyo wafdigiisu waxa ay shirar la galeen mas’uuliyiinta dhigooda ah iyaga oo ka wada hadlay dhinacyada Isgaadhsiinta, Boosaha iyo Tiknoolajiyadda sidoo kale waxa ay soo booqdeen goobo kala duwan oo xidhiidh la leh shaqada wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknaloojiyadda sida xarumaha boosaha Djibouti iyo xarumaha isgaadhsiinta.

Ugu dambayntii waxa ay labada dhinac kala saxeexdeen heshiis wada shaqayneed oo nuxurkiisu yahay in labada dawladood iska kaashadaan adeegyada boosaha, isgaadhsiinta iyo tiknoolajiyadda, kuwaas oo horumar u ah bulshawaynta Somaliland.