“Cid Kasta Oo Hantida Umadda Lagu Ashakateeyo Maxkamad Iyo Ciqaab Mooyee Damiin Iyo Saamax Ma Leh”

Xildhibaan Xuseen Yuusuf Ismaaciil oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Xisbiga Waddani, ayaa dhaliilo u soo jeediyey Xukuumadda, gaar ahaan Madaxtooyada, waxaa kale oo uu ka hadlay musuq-maasuqa, ilaalinta hantida umadda, ismarin waaga Xisbiyada iyo abaaraha.

Xildhibaan Xuseen Yuusuf Ismaaciil oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya Afhayeenka Madaxtooyada yidhi “Waxaan arkaayey inan la yidhi wuxuu yahay Afhayeenka Madaxweynaha, oo uwaadiinkaas u dhashay Somaliland, ee Warshadaha aan Dawladdubajari karin, ama cid kaleba jari karin, Wadanka ka abuuray, ee kumaan kunka qof u shaqeeynayaan, wax ka sheegay, wuxuu Afhayeenkaasi yidhi halkan lalama soo gali karo tuuganimo wax la xadayna halkan laguma lunsan karo, iyo wax caynkaas u eeg, qofka haddii aan waxba lagu caddaynin oo Maxkamaddi waxba ku caddaynin, dambi dusha lagama saari karo, ninka Afka Madaxweynaha ku hadlayaa, waa Madaxweynihii oo hadlaya, halkaasna ceeb baa ka dhacday, Axmed Geelle Arab, waa nin muwaadin ah oo wanaagsan, ee wixii la sheeganayaba waxaa loo baahan yahay in Maxkamadduhu arinka si wanaagsan u eegaan, wuxuu ku hadlaayey Afhayeenka Madaxweynuhuna maaha wax loo dulqaadan karo, ee ninka haddii la tuhmo waa inuu dalkiisa ku dhex helaa cadaalad, laakiin maaha inay Madaxtooyaud dhinac ka noqoto isagoo hanti ka maqan tahay”

Mar uu ka hadlaayey musuq-maasuqa ayaa yidhi “Hantida umadda ee uu madaxweynuhu kow ka yahay cidda lagala xisaabtamayo, haddii ciddii uu dirtay lagu soo eeddeeyey musuq-maasuq, waddo qudha ayey leedahay, oo waa in markiiba xilka laga tiriyo, in markiiba la qabto, oo Maxkamadda la hor geeyo, haddii la daayo ama la damiinto cid kasta oo musuq lagu helo sharcigii baa lagu tuntay, Musuq-maasuqu waa dambi culus, dambigaculus ee ciqaabta lehna amiin ma leh, cid kasta oo hantida dadweynaha lagu ashkateeyo ciqaab, maxkamad iyo jeel mooye,damiin iyo samaaxaad ma leh, waliba waa haddii hanti-dhawraha iyo xeel ilaaliyuhu ay soo bandhigaan caddaymo rasmiya oo daliil u ah lunsiga hantida umadda, ee cid gaar ah lagu eeddeeyey, xukun Maxkamadeed iyo Jeel baa lamarinayaa, haddii wax dambiya lagu waayana waa la sii daynayaa, Sharciga ciddi kama sareeyso, Hanti-dhawrahana waxaa loo sameeyey inuu hantida umadda daba galo, oo halka ay ku leexatay uu soo qabto, masuul kasta oo Hanti-dhawruhu ku qabto lunsi hanti, waa in katiinad lagu jabiyaa, oo jeelka la dhigaa, Wasiir ama Agaasime ha noqdo”.

Mar uu ka hadlaayey ismarin waaga Xisbiyada ayaa yidhi “Xisbiga Waddani ee aan anigu ka tirsan nahay, ilaa Doorashadii oo sannad iyowax yar laga joogo, mawqifkiisu caddaan buu ahaa, wuxuu yidhi qaranimada ayaan u tanaasulay, laakiin wuxuu yidhi Doorasho uu qabto Komishanka maanta jooga Doorasho aanu galayno maaha, mar haddii aanu qaranimadii u tanaasulayna waa in Komishankaas la kala diraa, waana inuu bedelaa Komishan loo siman yahay, hana la isku tanaasulay, waxaan se arkayaa in aanay Xukuumaddu rabin in Komishankan la kala diro, oo uma jeedo in Komishankana la kala diro, heshiis kama dambays ahna la gaadho”.

Mar uu ka hadlaayey Abaaraha ayaa yidhi “Roobkii aynu filaynay inuu curtu muu curan, oo muu da’in, bishan horaanteeda ayeynu filaynay inuu da’o, balse wali muu da’in, ILLAAHAYNA waxaynu ka baryeynaa inuu deg deg uu roob inoogu shubo, laakiin Xukuumaddihii hore waxay awoodood iskugu keeni jireen wax ka qabashada abaaraha iyo dadka caafimaadkooda iyo xuquuqdooda iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka gaadhaya, waxbaana loogu sii qorsheyn jiray, oo haddii aanay wali Xukuumaddani dareemin abaaraha ka jira Gobolada iyo Degmooyinka qaar, oo kuwa kalena aanay ku xigi doonaan haddii aanu ILLAAHAY farash khayr qaba aanu inoo furin, oo raxmadiisa inoo shubin, waxaana muuqata in Xukuumaddu ka gaabisay masuuliyadii ay qaaday,ee ka saarnaa umadda”