“Waa Khalad Inay Maxkamaddu Damiinato Cid Lagu Eedeeyay Musuq-Maasuq, Sharciguna Sinaba Uma Ogola ”

Hargeysa (Gnet)-Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Wakiilada,  ayaa ka hadlay khudbadii uu madaxweynuhu ka jeediyey magaalada Berbera, waxaanu Madaxweynuhu ku tilmaamay inuu iska indho tiray ama uu inkiray abaal uu sheegay inuu u galay Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Siillaanyo.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale sharci daro ku tilmaamay inay Maxkamaddu damiinato masuuliyiinta loo haysto musuq-maasuqa, waxaanu sidoo kale dulmi iyo xad gudub ku tilmaamay in dhul laga qaado dadka degan halka laga dhisayo Madaxtooyada cusub, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaya khudbadii madaxweynaha “Waxaa aad iyo aad layaab leh inuu madaxweynuhu aad iyo aad u amaano wasiirkii hore ee Arrimaha dibadda Sacad Cali Shire, oo hadda ah Wasiirka Maaliyadda, amaan balaadhan buu u soo jeediyey, oo DP World buu ku amaanay,

Madaxweynihii lahaa fikrada ee Sacad amarka siiyey, muu soo hadal qaadin Muuse Biixi, oo Safiirkii arintan ka shaqeeyey muu soo hadal qaadin, waxaynu ognahay inuu Axmed Siillaanyo ALLE sukaddii uu sabab u yahay kursiga uu madaxweyne Muuse Biixi ku fadhiyo, wixii dhacayna weynu ogayn markii uu ahaa musharaxa, maan garan amaanta sacad iyo inkiraanda Axmed Siillaanyo ee Somaliland-aanay Muuse waa kaas iska indho tiray abaalkii uu Oday Axmed Siillaanyo u galay, amaan iyo mahadnaqna aan midna u quudhin”

Mar uu ka hadlaayey damaanada Wasiiraddii lagu eeddayey musuq-maasuqa ee Maxkamaddu damiintay ayaa yidhi “Waa khalad inay Maxkamaddu damiinto cid lagu eedayey Musuq-maasuqa, sharciguna sinaba uma ogola in cid lagu helo musuq iyo lunsi hantida umadda in damaanad lagu sii daayo, cid walba oo lagu helo inay ku takrifashay oo lunsatay hantida umadda ka dhexeeysa waa in sharciga la mariyaa, oo waajibkooda la mariyaa”.

Mar uu ka hadlaayey madaxtooyada cusub ayaa yidhi “Dad baa dhul laga dhacay, oo dad baa dhulkoodii laga boobaaya, oo waa dad xaq daro laga galaayo, marka la leeyahay madaxtooyo ayaa laga dhisayaa, Madaxtooyadan ayaa inagu filan, ee waa xaaran in dad dhulkooda xoog lagaga qaado, oo la dulmo, awood dawladdeedna loo sheegto”.