Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

DAAWO Madaxweyne Somaliland oo Kulamo  La Qaatay Wufuudii Kala Duwanaa ee Dalalka Dibadda Uga Yimid Ka Qaybgalay Munaasibaddii 18-ka May + Sawiro

 WAR-SAXAAFADEED: 19/05/2019

Madaxweyne Somaliland oo Kulamo  La Qaatay Wufuudii Kala Duwanaa ee Dalalka Dibadda Uga Yimid Ka Qaybgalay Munaasibaddii 18-ka May

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilnad, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa kulamo kula yeeshay wufuud kala duwan oo isugu jira xildhibaanno, wasiirro iyo diblomaasiyiin, kuwaas oo ka qayb-galay munaasibadda 18-ka May ee 28-guurada kasoo wareegtay markii ay Somaliland xorriyaddeeda dib ula soo noqotay.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu kulan gaar ah la qaatay wufuud ka kala socota dalalka Kiiniya, Yugaandha iyo dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, oo ka mid ahaa wufuudii ka soo qayb-galay munaasibadda Dabbaal-degga 18-ka May, wuxuuna uga mahadnaqay ka qayb-galkooda munaasibadii 18 May, isaga oo ku bogaadiyey inay xil weyn iska saareen sidii ay shacabka Somaliland ugala qaybgeli lahaayeen maalinta farxaddooda.

Xubnaha weftiga ka socda dalka Yugaandha, Kiiniya iyo Is-maamulka Soomaalida Itoobiya, ayaa dhinacooda madaxweynaha soo gaadhsiiyey salaan iyo hambalyooyin ay shacabka Somaliland uga sidaan masuuliyiinta dalalkooda, kuwaas oo uu madaxweynuhuna si kal iyo laab ah uga gudoomay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sidoo kale xubnaha weftiga u sheegay inay Somaliland dunida inteeda kale la leedahay xidhiidh wanaagsan oo diblumaasiyad, saaxiibtinimo iyo is fahan ku dhisan, kaas oo midhihiisa ay kamid yihiin wufuudda ay dalalka kala duwani u soo direen ka  qaybgalka dabbaal-degga maalinta qaran ee 18-ka May, sidoo kale wuxuu madaxweynuhu u mahadnaqay dhammaan wufuudii ka socday dalalka kale ee munaasibada ka soo qayb-galay iyo wadamadii Somaliland ku soo hambalyeeyey maalintaa qaran ee 18 May.

Wufuudda kala duwan ee ka kala socota dalalka caalamka ee uu madaxweynuhu la kulmay, ayaa dhankooda caddeeyey in imaanshiyahoodu marag u yahay sida ay beesha caalamku ugu kalsoon tahay Dimuqraaddiyada iyo dawladnimada ka hana qaadday Jamhuuriyadda Somaliland, waxana ay madaxweynaha ku bogaadiyeen dedaalka uu ugu jiro inuu dhiso xidhiidhka ay Somaliland la leedahay dunida inteeda kale, horumarka iyo wada jirka shacbi weynaha Somaliland gaadheen

Wufuuddan uu madaxweynuhu maanta kulamada la qaatay, ayaa kamid ah weftiyo kala duwan oo Somaliland u yimi ka qaybgalka munaasibadda qaran ee 18-ka May oo maalintii shalay sii heer qaran ah looga dabbaal-degay guud ahaanba dalka iyo dalalka Kale ee caalamka oo ay jaaliyadaha reer Somaliland ku xsueen sannad guuradda 28aad ee 18 May.

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

%d bloggers like this: