Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Sucuudiga Oo Cafis U Fidiyay Soomaalida Aan Sharciga Haysan.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Dawlada Sucuudigu Cafis u fidisay Dadka Soomaalida ah ee sharci-darrada ku jooga Dalkaasi, sida kuwa Ciqaamaduhu ka dhaceen.

Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Sucuudiga Saalim Macow Xaaji ayaa sheegay in Dadka Cafiska loo fidiyey yihiin kuwa Sharci-darrada ku jooga Sucuudiga ee doonaya inay isaga baxaan, sida kuwa Ciqaamaduhu ka dhaceen, Kuwa Tahriibka ku galay.

Sii hayaha Safaaradda Soomaaliya ee Sucuudiga Saalim Macow Xaaji oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Dawladda Sucuudigu waxay naga ogolaatay in Dadka Soomaaliyeed ee Sharci-darrada ku jooga Sucuudiga loo fududeeyo bixitaankooda, Saddex baa loo kala qaaday Dadka, kuwa Ciqaamadaha leh ee ay ka dhacsan yihiin ee lacagta badan lagu leeyahay ee raba in iyaga iyo Carruurtoodu ay Dalka ka baxaan, kuwaa waalla cafiyey oo lama xidhayo ee ay bixi karaan.”

Sii hayuhu waxa kale oo uu sheegay “Sidoo kale, Dadka ku soo galay Tahriibka waalla fasaxay oo ka bixi karaan Waddanka iyo Dadka ku yimid Xaj ama Cimro ee muddada dheer Sharci-darrada halkan joogay waalla cafiyey.” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Cafiskani wuxuu gaar u yahay Dadweynaha Soomaaliyeed. Cafisku wuxuu bilaaban doonaa 16-ka bisha June, waxaanu socon doonaa illaa 2 bilood, markaa waxaan Dadweynaha.”

 

%d bloggers like this: