Bushaaro, Bushaaro, Bushaaro; Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure oo looga bartay adeeg hufan, qiimo macquul ah, nashqadaha qurxinta Dumarka noocyadooda kala duwan iyo shaqaale macmiisha raalligeliya, waxa uu kuu soo kordhiyey Qalab casri ah, nashqado cusub oo heer sare ah, dharka aroosyada, taashashka iyo adeegyo ku raalligeliya. Haweenkoow ha moogaannina Koofeerka casriga ah ee Koofeerka Panaroma Manicure and Pedicure iyo Panaroma Beuiti salon inaad iska habaysaan habkasta iyo hannaankaad rabtaba halkaasaad ka helaysaan ee hore u gaadha, haddaad xaflado aroos iyo meher leedahay ammaba aad sidaadaba isu qurxinayso, marba ha moogaannina, hana ka habsaamina. Haddaba Hooyga Qurxinta Dumarka ee Panaromahalka ay ku yaallaan aan idiin tilmaamee, booqda xarumaha Panaroma Manicure and Pedicure & Panaroma Beuiti salon oo ku kala yaalla Dhismaha Deero Mool iyo ka soo horjeedka Jameecoweyn sparpartis amma Fooqa xarunta u ahaa xawaaladdii Qaran ee dhinaca waqooyi-bari ee Line-ka bilayska amma agagaarka Mataanaha Dahabshiil ee magaalada Hargeysa amma waxaad kala xidhiidhi kartaa Taleefannada kala ah; 0634425623

Safiirka Britain Ee Mareykanka Oo Iscasiley + [ Sababta ]

Safiirka Britain ee Mareykanka Kim Darroch ayaa maanta ku dhawaaqay inuu is casiley, islamarkaasina uu sheegey in ay adag tahay in uu sii wato shaqadiisa, kadib markii la dusiyay errayo ka dhan ah madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo uu adeegsaday.

War uu soo saaray Darroch ayuu ku yidhi  “Inkastoo uusan booskeyga shaqo uu ku eg-yahay illaa iyo laga gaadho dhammaadka sanadkan, haddana, waxaan aamisannahay xaaladdan lagu jirto darteed, inaan aqbalo in la soo magacaabo danjire cusub.”

Darroch, waxa uu ahaa dibmulaasi sare oo Britain u joogey Washington tan iyo 2016.

Safiirka Britain ayaa Trump cambaareyay isagoo ku eedeyay in uu yahay qof aan fadhiyin islamarkaasina aan laheyn wax xirfad ah.

GABILEY.NET

%d bloggers like this: