Somaliland oo Farriin Hanbalyo ah u Dirtay Guinea Conakry (Akhriso).

Hargeisa(GNN):-Xukuumadda Somaliland ee uu hogaamiya Madaxweyne Muue Bixi Cabdi ayaa fariin u dirtay Madaxda iyo shacabka dalka Guinea Conakry.

Somaliland ayaa ugu hambalyeeysay dalkaasi dabaal-dega sanad guuradii 61-aad ee ka soo wareegtay maalintii ay xoriyada dib uga qaateen Faransiiska.

Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan Ismaaciil Saylici oo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta ayaa si weyn ugu hambalyeeyay Mas’uuliyiinta iyo shacabka dalkaaasi, munaasibada xuska maalinta qaranimadooda oo ku beegneyd Khamiista todobaadkii hore.

Saylici ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey inuu rajo badan ka qabo in hore loo sii amba-qaado xidhiidhka Somaliland iyo Guinea Conakry, isla markaan la sii balaadhin doono dhinacyda iskaashi ee ka dhaxeeya labada dhinac, taas oo hore ay qodobo muhiima heshiis isul soo meel dhigeen labada madaxweyne

Xukuumada Somaliland ayaa xidhiidh cusub oo saaxiibtinimo la yeelatay dalkaasi Guinea, kadib markii uu Madaxweyne Muuse Biixi uu socdaal ku tagay caasimada dalkaasi, isagoona loogu soo dhaweeyay si meeqaam sarre.

Safarkaasi Biixi ayaa si kala duwan looga hadlay xiligaasi, iyadoona dowlada fadhiidka ah ee  federaalka somalia ay xiligaasi  sheegtay inay xidhiidhka u  goysay dowladda Guinea Conakry, oo iyadu si meeqaam sarre u soo dhoweysay Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Hargeisa Somaliland

Gabiley News Network