Salaad Cali Jeele Oo Madaxweynayaashii Hore Somalia Xassan iyo Sh Shariif Ugu Baaqay In Aaney Dhimaateyn Nafahooda.

Muqdisho(GNN):-Salaad Cali Jeelle oo hadda ka mid ah siyaasiyiinta taageersan xukuumada madaxweyne farmaajo oo ay lacagta ku siiso inay warbaahinta ka difaacaan, ayaa weerar culus ku qaaday madaxweynayaashii hore ee soo maray Soomaaliya ee Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

Salaad Cali Jeelle oo sidoo kale degan mid ka mid ah hoteellada Muqdisho oo ka jawaabayey hadalkii Shalay kasoo yeedhay Shiikh Shariif ee ahaa inay Dowladda Soomaaliya Muqdisho ka saari doonaan haddii aysan dhibaatada joojin ayaa sheegay inuu ugu baaqayo siyaasiyiinta ku midoobay Xisbiyada Madasha Qaran inay lafahooda u tudhaan isla markaasna aysan is dhibaateyn.

” Xisbiyada qaran waxaan ugu baaqayaa inay lafahooda u tudhaan isla markaasna aysan is dhibaateen, ma jirto cid dagaal guul ku gaadhay” ayuu yidhi Salaad Cali Jeelle .Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in madaxweyne kasta oo soo maro dalka uu leeyahay afar sano oo muddo xilliyeedkiisa ah isla markaasna siyaasiyiinta laga rabo inay ilaaliyaan dowladnimada ayna sugaan waqtiga yar ee u hadhay Dowladda Soomaaliya.

Wuxuu sheegay haddii ay Dowladda Soomaaliya dambi gasho isla markaasna ay mucaaradka dacwo qabaan inay u gudbiyaan Maxkamadaha dalka balse uu ka xun yahay in qori caaradiisa wax lagu raadiyo sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ayuu ku eedeeyey inay dambiyo badan galeen intii ay xukunka hayeen aysana jirin cid diiday inay dhameystaan waqtigii Dastuurka u ogolaanayey.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqalka.

https://youtu.be/-vHuAuTbBzc

 

Muqdisho Somalia
Gabiley News Network
Contacgabileynews@gmail.com